4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 9 , 2015
Nabaddoon lagu caleemmo-saaray Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan


Jimco, Janaayo 09, 2015 (HOL) — Kaddib kulan mudo dheer u soo socday  waxgaradka, aqoonyahannada, haweenka iyo dhalinyarrada mid ka mid ah beellaha gobolka Hiiraan ayaa ugu danbeyntii maanta lagu calleemo saaray nabadoon guud oo ay yeellan doonto beesha.

Munaasabada calleemo saarka nabadoon C/qaadir Cismaan Nuur [Oomo] ayaa waxaa ka qeyb-gallay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Yuusuf Axmed Xalane oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadllay gogosha calleemo saarka ayaa sheegay in nabadoonka uu ka soo dhaxbaxay kulamo iyo wadatashi mudo dheer u soo socday qeybaha kala duwan ee beeshu ka kooban tahay.

“Nabaddoonka aan maanta calleemo saareyno ma'aha mid iska yimid, laakiin waxaan dhihi karnaa waa nabadoon ka soo dhaxbaxay waddatashi iyo kullamo is daba joog ah oo muddo dheer beesha u soo socday, waxaana ka fileynaa in uu noqdo nabadoon cadaallad falla dadka oo dhanna u siman yihiin,” ayuu yiri Yuusuf Axmed Xaalane.

Siddoo kale nabadoon Rayid Idhooy Nuur oo munaasabada ka qeyb-gallay ayaa kula dardaarmay nabadoonka cusub in uu noqdo mid isku keena bulshada gobolka oo idil, kana shaqeeya nabada.

Nabadoonka cusub ee maanta la calleemo saaray C/qaadir Cismaan [Oomo] oo madasha ka hadllay ayaa sheegay in uusan aheyn kaliya nabadoonka beesha calleemo saaratay, laakiin uu yahay sidda uu hadalka u dhigay nabadoon reer Hiiraan ah, islamarkana uu ka shaqeyn doono nabad-galyada iyo hormarka bulshada.

“Marka laga soo tago magaca beesha aan nabadoonka u ahay, waxaan rabaa in aan si buuxda idiinku cadeeyo in aan noqonayo nabadoon guud oo reer Hiiraan, oo mar walba u taagan maslaxada iyo danta shaqsi kasta oo ku dhaqan gobolka,” ayuu yiri nabaddoon C/qaadir Cismaan.

Dhamaan qeybaha kala duwan bulshadii ka qeyb-gashay munaasabad ayaa si isku mid ah u soo wadda dhaweeyay calleemo saarka nabadoon C/qaadir Cismaan oo ay ugu duceeyeen in uu Alle la garab gallo howsha loo idmaday.

Dubabka iyo odayaasha dhaqanka ayaa sanadihii ugu danbeeyayba ahaan kuwo miisan culus ku dhaxleh arrimaha siyaasada Soomaaliya, waxaana calleemo saarka nabadoonka cusub uu ku soo beegmayaa xilli lagu howlan yahay dhismaha maamul  ay ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya