4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Madaxa Shirkada Horumarinta Waxbarashada ee EduCape oo HOL u Waramay


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Shirkadda Horumarinta Waxbarashada Somalia iyo Qaaradda Afrika oo lagu magacaabo EduCape Ltd ayaa laga hirgeliyay Muqdisho, taasoo dalka keentay qalab casri ah oo qayb weyn ka qaadanaya horumarinta waxbarashada, gaar ahaan ardayda dhigta jaamacaadaha dalka.

Madaxa shirkadda EduCape, Maxamed Cabdi Xaraare oo HOL Muqdisho ugu warramayay ayaa sheegay in ujeeddada shirkadda ay Muqdisho uga aasaaseen ay tahay sidii jahliga loo cirib-tiri lahaa Soomaaliya iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

“Waxaan dooneynaa inaan ka haqab-tirno ardayda Soomaaliyeed qalab casri ah, si hufanna looga shaqeeyay, kaasoo ah kii ugu dambeeyay ee caalamka laga isticmaalo, sidoo kalena xal dhameystiran u noqonaya ardayda Somalia wax ku baranaya,” ayuu yiri Xaraare.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray inuu dhallinyarada Soomaaliyeed kula talinayo inay ku baraarugaan adeegsiga qalabka casriga ah ee kaabaya wax-barashada iyo horumarinta aqoontooda.

“Waxaan dalka keenni doonnaa qalab ay ka mid yihiin hal-tusayaal Tablet casri ah oo si gaar ah loogu hindisay inay ardayda ka caawiyo waxbarashada iyo aqoon-baarista. Sidoo kale waxaa ka mid ah WoMi ama Weapon of Mass Instruction oo ka mid ah qalabka sida aadka ah wax u baara.. waxaana lagu shuban karaa kumanaan buug si sahlanna looga aqrisan karaa. Iyadoo ay ka daalacan karaan buugaagta wax laga barto,” ayuu Xaraare mar kale yiri.

Dhanka kale, Madaxa shirkadda EduCape ayaa ku sheegay wareysiga uu siiyay HOL in qarnigan 21-aad uu wato fursado iyo horumarro dhinaca waxbarashada ah oo is-barkan, waayo dunidu waxay ku indho furatay kacaan tiknoloojiyadeed oo ciddii adeegsata ku hoggaamin karta inuu heer wanaagsan waxbarashada ka gaaro.

Wareysigan oo ay shabakadda Hiiraan Online ku eegeysay awoodda ka qayb-qaadasho ee qalabka casriga ah uu ka qaato horumarinta waxbarashada ayuu madaxa Educape Ltd. ee Soomaaliya ku sharraxay awoodaha dheeraadka ah ee ay tiknooloojiyadda casriga suuro-galka ugu tagay waxbarashada iyo baridda, isagoo meesha ka saaray saamayntii juqraafigu ku lahaa waxbarashada.

“Carruurta ku nool tuulooyinka fog-fog ee ku yaalla waddamada saddexaad ee caalamka qalabkan wuxuu gacmaha u gelinayaa fursad ay kula tartamaan carruurta kale ee ku nool dalalka horumaray,” ayuu yiri Xaraare oo intaas ku dray. “Caqabadda kaliya ee ku hor-gudban in si baahsan loo adeegsado fursadaha dahabiga ee uu qarnigan la kowsaday ayaa ah in aaladaha casriga ah ee waxbarashadu ay dunida ka joogaan qiime aanay goyn karayn dadka ku nool waddamada saboolka ah.”

Ugu dambeyn, shirkadda EduCape Ltd. ayaa ardayda iyo bahda waxbarashada ugu laab-qaboojisaysa inay xal u heshay caqabadda dhaqaale ee ku aadan iibsiga qalabka casriga ah ee waxbarashada, iyadoo Xaraare uu sheegay in doorka EduCape Ltd ay tahay inay ka wareejiso ardayda Soomaaliyeed wixii caqabado ah ee horay uga haystay adeegsiga qalabka casriga ah ee loogu talo-galay waxbarashada.

“Shirkaddu iyadoo ka duulaysa hadafkeeda ah inay gacan weyn ka geysato horumarinta waxbarashada Qaaradda Afrika ayay hindistay Tablet carsiga ah oo maskax badan loo shiilay, kaasoo qiimaha lagu iibiyo uu yahay mid ay awoodi karo cid walba dhaqaale ahaan, iyadoo aan wax gorgortan ah laga galeyn tayada iyo wax-tarka qalabkan casriga ah.

Haddaba ciddii doonaysa inay macluumaal dheeri ah ku aaddan EduCape Ltd waxay ka eegi kartaa shabakadda shirkadda oo ah www.educap.net, iyadoo sidoo kalena kala xiriiri karta maamulka shirkadda EduCape Ltd Tel Lambar: +252(61)777-5000.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya