4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Dowladda Somalia oo ka Hadashay Shirka IGAD ee Muqdisho iyo Qoshaha lagu Xoojinayo Amniga


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Dowladda federaalka Somalia ayaa maanta si rasmi ah u shaaciysay in dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD ay Sabtida soo socota oo ku began 10-ka bishan Jannaayo ay Muqdisho ku yeelan doonaan shirarkii ugu horreeyay muddo labaatan sano ka badan.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo VOA-da siiyay wareysi ayaa sheegay in shirkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka dhaca magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, isagoo intaas ku daray in amniga magaaladana si aad ah loo adkeeyay.

“Kulanka dalalka IGAD ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan waa kii ugu horreeyay oo ay Somalia ku yeesheen tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somalia 1991-kii,” ayuu yiri Daa'uud Aweys oo ku daray intaas in shirku uu dhici doono maalinta Sabtida ah ee soo aaddan.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in laamaha amniga ee dowladda ay ammaanka aad u adkeeyeen, howshan lagu adkeynayo amnigana ay socdeen dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay, isagoo xusay in howshan ay xiriir la leedahay shirka IGAD ee Muqdisho ka dhici doona.

Mar la weydiiyay ajandaha shirka looga hadlayo ayaa wuxuu sheegay inuu shirkan ka mid yahay shirarka ay yeeshaan waddamada IGAD, intiisa badanna waxaa looga hadli doonaa arrimaha Somalia, isagoo xusay in shirkan uu u yahay dowladda Soomaaliya mid ahmiyad gaar ah u leh.

“Arrimaha shirka looga hadlayo ay ka mid yihiin; siyaasada, dib u heshiisiinta iyo amniga, maadaama qodobbadan ay yihiin kuwa horyaalla dowladda Soomaaliya ee ay doonayso in wax ka qabato,” ayuu Daa’uud hadalkiisa ku daray.

Waxaa kaloo la weydiiyay afhayeenka madaxweynaha Somalia saameynta uu ku yeelan doono shirkan isbedelka dhinaca xukuumadda, maadaama ay dhacday dowladdii hore, lana soo magacaabay ra’iisul wasaare kale oo aan weli soo dhisin xukuumad, wuxuuna ku jawaabay.

“Xukuumaddii dhacday iyo magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub ee kuma yeelanayso saameyn shirkan, haddaba howsha waxaa wada sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia, umana aragno in taasi ay caqabad ku noqon doono shirka IGAD.”

Ugu dambeyn, Daa’uud Aweys ayaa sheegay in shirkan uu socon doono hal maalin, isagoo xusay in dalalka IGAD ay horay u garteen in kulankaan lagu qabto Muqdisho, taasoo uu sheegay inay qayb ka tahay dib u soo kabashada Soomaaliya ee dhinaca amniga.

Dhanka kale, hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda ka warbixiyay howlgallada lagu adkeynayo amniga caasimadda iyo jidadka la xiray, iyagoo sheegay inay tahay mid amniga caasimadda lagu xoojinayo.

Afhayeenka booliiska Somalia, Col. Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlahan lagu sugayo amniga, isagoo raalli-gelin ka bixiyay inta howlgalkan uu socdo iyo xirnaanshaha waddooyinka ugu muhiimsan Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirrada arrimaha dibadda dalalka IGAD ayaa Jimcaha berri ah la filayaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyadoo waddooyinka ay ciidamadu xireen ay ka mid tahay waddada muhiimka ah ee Maka Al-mukarama oo isku xirta isgoyska KM-4 iyo madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya