4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Khasnajigii Dowlada Hoose ee degmada Xarfo oo Maanta toogasho lagu dilay


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa lagu dilay maanta khasnajigii dowladda hoose ee degmadaas, Maalin Yaasiin Ciise iyadoo la sheegay in dilka mas’uulkan ay ka dambeeyeen askar ka tirsan kuwa dowladda hoose ee degmada Xarfo.

Guddoomiyaha degmada Xarfo Axmed Muuse Nuur oo dilka kaddib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dilkan uu yimid kaddib markii khasnajigu uu diiday lacago gunno ah oo ay askartu ka qaadan jireen maamulka degmada Xarfo.

“Askartii dilka geystay oo ahaa laba way baxsadeen, haatanna waxaa socda dadaal lagu doonayo in lagu soo qabto. Markii ay dilka geysteen ayayna ka baxsadeen degmada,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xarfo oo ka tirsan maamulka Puntland.

Sidoo kale, taliyaha qaybta ciidamada booliiska gobolka Mudug ee saakay iscasilaadiisa ku dhawaaqay, Jen. C/llaahi Shire Dool oo warbaahintu ay wax ka weydiisay ayaa sheegay in toogashadan ay ka dhalatay markii shaqaalaha laga joojiyay lacag guno ah oo ay qaadan jireen, askarta wax dishay iyo khasnajigana uu soo dhexmaray muran ku saabsan lacagta gunnada ah.

“Lacagta gunnada ah ee shaqaaluhu ay qaadan jireen waxaa guddoomiyaha dagmada ayaa ka jaray, mana jirin wax mushaaraad ah oo ay qaadan jireen askarta Dowladda Hoose ee Xarfo,” ayuu yiri Jen. Dool.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda Xarfo ay tahay mid aad u wanaagsan hadda, ciidanka booliiskuna ay ku howlan yihiin sidii ay u soo qaban lahaayeen askartii dilka khasnajiga geystay.

Si kastaba ha ahaatee, dilka khasnajigan ayaa kusoo beegmaya iyadoo looga dabaal-dagayo Puntland sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii xilka madaxweynenimo loo doortay madaxweyne C/weli Gaas oo ku beegnayd maanta oo kale sannadkii 2014-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya