4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Sannad-guuradii 1-aad ee Doorashadii Gaas oo Maanta Garoowe laga Xusayo


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa laga dareemayaa diyaar-garowga loogu jiro xuska sanad-guuradii kasoo wareegatay markii madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas uu ku guulaystay doorashadiisii oo 08-dii bishii Jannaayo ee sanadkii hore dhacday.

“Waxaa dhammaan la fasaxay shaqalihii dowladda, waayo waxaa loo diyaar-garoobayaa sannad-guuradii kasoo wareegtay doorashada madaxweynaha Puntland oo ay kasoo qayb-gali doonaan madax ka socota QM iyo dalalka dariska ah,“ ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada.

Wararka kale ee ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in howlgallo xalay ay ciidamadu ka fuliyeen degmada lagu xir-xiray tiro dhallinyaro ah oo la sheegay inay qorshaynayeen falalka amniga liddi ku ah.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Camey ayaa maalmo ka hor sheegay in dhaqaale bur-burka ka jira gobolka ay sabab u tahay lacago dayn ah oo dowladdii hore lagu yeeshay ,taasi oo gaaraysa 14-milyan oo dollar.

Wasiirkii hore ee maaliyadda, Puntland Faarax Cali Jaamac oo isna eedaymahaas ka jawaabay ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan ,isla markaana xusay in lacagta ay ka tageen ay wax badan ka yartahay inta uu madaxweyne ku xigeenku sheegay.

Ugu danbayn, xuska sanad-guuradii 1-aad ee doorashadii madaxweyne C/weli Gaas ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhamaadka sanadkii hore lasoo gaba-gabeeyay la xisaabtanka wasaaradaha iyo hay’adaha maamulka,waxaana caawa lagu wadaa in madaxweyne Gaas uu ka jeediyo khudbad ka hadlaysa waxqabadkii dowladdiisa sanadkii ay soo jirtay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]