4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Isbitaalka Al-Nuur oo Fuliyay Mashruuc Indhaha Loogu Fiiqay Boqollaal Ruux


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Xarunta isbitaalka Indhaha Al-Nuur uu ku leeyahay Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu soo gabagabeeyay howlo isugu jiray, baaritaan, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo boqollaal qof lagu sameeyay, kuwaasoo ahaa dadka taagta daran ee ku jira xeryaha barakacayaasha Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Agaasimaha Isbitaalka Al-Nuur, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in howshaan samafalka ah ay soo socotay muddo saddex todfobaad ah; laguna guuleystay.

“Waxaa farxad inoo ah inaan soo gaba-gabeyno maanta howlo daweyn iyo qaliin indhaha ah isugu jiray oo soo socday muddo saddex toddobaad ah, kuwaasoo ka socday xarunta isbitaalka Indhaha Al-Nuur,” ayuu agaasimuhu u sheegay warbaahinta.

Dr. Dalmar ayaa intaa raaciyay in hirgelinta howshaan ay iska kaashadeen hay’adda Al-Nuur Foundation oo uu isagu madax u yahay iyo hay’adda Al-Basiir Foundation ee fadhigeedu yahay magaalada Karachi ee xarunta dalka Bakistaan.

“Mashruucan waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya 750-qof, oo 295 qof oo ka mid ah loo sameeyey qaliimmo dhinaca indhaha ah, halka inta kale ee soo har-tayna loo sameeyey baaritaanno iyo daweyn,” ayuu Dr. Dalmar mar kale yiri.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa xusay in qaliimmada ay hadda sameeyeen ay u adeegsadeen qalab casri ah oo ah kii ugu dambeeyey ee caalamka laga isticmaalo, kaasoo uu sheegay iny tahay markii ugu horreysay ee Somalia la keeno.

“Nasiib-wanaag qaliimadii u dambeeyay waxaan u adeegsannay mishiin casri ah oo ah kii ugu dambeeyay ee caalamka laga soo saaro oo lagu magacaabo (Phaco Laser Oparetion), kaasoo aan qofka ishiisa jeexeynin laakiin gudaha inta taga burburinaya xuubka; taasoo keeneysa in ruuxa lagu sameeyo qalliinka uusan u baahanayn tolliin, baliilna loo gelinayo,” ayuu Dr. Dalmar yiri, isagoo xusay inay soo kordhiyeen baliil looga maarmayo ookiyaalihii la siin jiray dadka indhaha loo qalay, taasoo markii la doono qofku uu si fudud isaga bixin karo, dibna ugu ceshan karo.

Wuxuuna intaas raaciyay. “Isbitaalka Indhaha Al-Nuur wuxuu ka mid yahay isbitaalada ay tababarrada ku qaataan ardayda Jaamacadda Banaadir, isla markaana lagu sameeyo cilmi-baaris ku saabsan cudurrada indhaha ee dalka ka jira iyo qaabka loogu hortegi karo, xubina wuxuu ka yahay isbitaallada caalamiga ah ee indhaha.”

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah shacabka barakacayaasha ah iyo kuwa dan-yarta ah ee sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucaan samafalka ah ayaa sheegay in loo sameeyay daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen indhahooda, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday; waxayna u mahad-celiyeen maamulka isbitaalka Al-Nuur iyo hay’addii gacanta ka geystay howshan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya