4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland oo is-casilay


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Taliyihii qaybta booliiska Maamulka Puntland ee gobolka Mudug, Jen. C/llaahi Shire Dool ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilka oo uu yahay muddo sannad iyo bar ah.

Jen. Dool oo warbaahinta la hadlayay isagoo ku sugan deegaanka Bur-saalax ayaa sheegay inuu xilkii uu ka hayay booliiska Puntland iska casilay, isagoo u sababeeyay is-casilaadiisa markii uu sii xumaaday amniga gobolka Mudug, ayna jirto cadaalad-darro uu tirsanayo.

“Sababta aan isku-casilay waxaa ka mid ah iyadoo la igu fara-geliyay xilka aan ka hayay booliiska, isla markaana go’aamadeyda iyo xukunka aan bixiyo mar walba faragelin lagu sameeyo,” ayuu yiri Jen. Dool, inkastoo aanay jirin cid uu carrabka ku dhuftay.

Taliyahan is-casilay ayaa intaas ku daray in xaaladda amniga gobolka Mudug ay marayso meel u baahan wax-ka-qabasho, wuxuuna xusay inay khatar ku jirto nolosha shacabka ku nool gobolkaas.

Dhinaca kale, taliyaha booliiska Puntland, Jen. Maxamed Saciid Jaqannaf oo ka hadlay is-casilaadda taliyaha qaybta booliiska gobolka Mudug ayaa xusay inuusan aqbalayn is-casilaadda ka timid Jen. Dool, isagoo intaas ku daray in ay galayaan sidii is-casilaaddan uu uga laaban lahaa jeneraalka.

Gobolka Mudug ayaa waxaa bishii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay weerarro iyo qaraxyo khasaare nafeed geystay, sidoo kalana waxaa jiray dagaallo ka dhacay deegaanka Saaxo ee gobolka Mudug oo lagu murmay degmo ahaan-shaheeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya