4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Al-shabaab oo Baaraya Gaadiidka ka baxa Baydhabo Iyagoo laba Gaari Gubay


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay iyo waddoooyinka ka baxa ayaa waxaa jooga ciidammo kooxda Al-shabaab ka tirsan, kuwaas oo baaritaan ku haya gaadiidka Baydhabo ka baxaya ee ku wajahan deegaannada kale ee gobolka.

Ciidamada Al-shabaab ayaa waxay gubeen labo baabuur oo noocyadii kala yihiin NOAH iyo Xaajiyad, kuwaasoo la sheegay inay yihiin kuwo ay leeyihiin shaqsiyaad deegaanka Goof-guduud Shabeelow deggen.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay baabuurtaas sideen qaad oo ay u sideen deegaanka Goof-gaduud Shabeelow, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ee ka socda Itoobiya.

Al-shabaab ayaa horay uga mamnuucday deegaannada ay ka taliso Qaadka iyo sigaarka, iyagoo horay u gubay gawaari badan oo qaad siday. Iyagoo ka sameystay baro duleedyada magaalada Baydhabo.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay xoogagga kooxda Al-shabaab weerarro gaadmo ah kusoo qaadeen saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin deegaanka Daynuunaay oo 25-km u jirta Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa ciidamada ammaanka waxay shalay qab-qabteen dhallinyaro loogu shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, iyadoo qaar ka mid ah maanta lasii daayay, kaddib markii baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyay.

Hiiraan Online, Baydhabo