4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Qarax Khasaare Nafeed Sababay oo Maanta ka dhacay degmada Wardhiigleey

Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ciidan ka tirsan kuwa dowladda Somalia lagula eegtay baqonimadii maanta xaafadda Cali-Kamiin oo ka tirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa la sheegay inay qaraxday markii gaarigii ay ciidanka dowladdu wateen uu gudbay, iyadoo dadka ku waxyeelloobay ay dhammaantood ahaayeen shacab.

Goobjooge ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in laba qof oo shacab ah ay qaraxaas ku dhinteen, sadex qof oo kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan. Xaafadda uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda FS oo ka billaabay baaritaanno, inkastoo aysan jirin cid ay u soo qabteen qaraxan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyaddiisa, sidoo kalena maamulka degmadaas weli kama uusan hadlin qaraxa ka dhacay Cali-Kamiin, iyadoo la sheegayo in jawiga xaafadda uu yahay mid kuwa duwan sidii hore.

Wixii kasoo kordha qaraxan waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socda, haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya