4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Booliiska France oo Xiray ehellada dad lagu tuhmayo Weerarkii Charlie Hebdo


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Booliiska Faransiiska ayaa toddoba qof oo ay ehello ahaayeen raggii weeraray wargeyska toddobaadlaha ah ee Charlie Hebdo oo xarunta dalka Faransiiska ee Paris oo shalay Arbacadii la weeraray.

Toddobadan qof ayay booliisku sheegeen inay yihiin ehellada laba qof oo looga shakisan yahay inay geysteen weerarkaas, iyagoo intaas ku daray in ay kasoo xireen magaalooyinka Reims, Charleville-Mezieres iyo sidoo kale deegaanno ku dhow magaalada Paris.

Sidoo kale, booliiska Faransiiska ayaa soo bandhigay sawirrada laba qof oo walaalo ah oo ay sheegeen inay yihiin kuwii ka dambeeyay weerarkan oo ay ku dhinteen 12-ruux oo ay ka mid ahaayeen sideed wariye oo wargeyskaas ka tirsanaa, uuna ku jiray tifaftirihii guud.

Wararka ayaa intaas ku daray in saakay oo Khamiis ah uu iska-horimaad uu ku dhexmaray ciidamada booliiska iyo kooxo hubeysan deegaan ku dhow magaalada Paris oo Montrouge lagu magacaabo, iyadoo la xusay inuu xiriir la leeyahay weerarkii lagu qaaday wargeyska Charlie Hebdo.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande ayaa ammaanay deg-degta looga jawaabay weerarka, kaddib kulan uu golaha wasiirrada dalkaas kula yeeshay Paris. Iyadoo labada qof ee tuhmanayaasha ah lagu kala sheegay magacyadooda, Cherif Kouachi iyo Said Kouachi. Waxaana ay booliisku sheegeen inuu jiro ruux saddexaad oo tuhmane ah uu jiro, kaasoo ay magaciisa ku sheegeen Hamyd Mourad oo 18-jir ah.

Suxufiyiinta wargeyska Charlie Hebdo ee lagu dilay weerarkii Paris ayaa waaxa ka mid ah; tifaftirihii wargeyska, Charbonnier oo 47-jir ahaa, sawir-sameeye, Jean Cabut oo ahaa 76-jir, Bernard Verlhac oo 57-jir ahaa, Georges Wolinski oo 80-jir ahaa, Philippe Honore oo 73-jir ahaa.

Waxaa kaloo weerarkan lagu dilay saddex askari oo booliiska France ka tirsanaa, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay; Ahmed Merabet oo 42-jir ahaa ahaana sarkaal iyo askari oo kale oo boliis ah, kuwaasoo aan weli la sheegin magacyadooda.

Sababta loo weeraray wargeysan ayaa lagu sheegay inay ahayd sawir lagu afla-gaadeynayo Nebi Muxamed (NNKH) oo ay soo daabaceen sannadkii 2011-kii kaasoo ka careysiiyay muslimiinta, waxaana tan iyo waqtigaas soo gaarayay tifaftiraha iyo suxufigii sawirkaas sameeyay hanjbaado ah in dil loo geysan doono.

Goob-joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha weerartay wargeyska ay Allaahu Akbar ku dhawaaqayeen, iyagoo dhinac wlba rasaasta u furay xilli ay xarunta wargeyska uu ka socday shir ay wariyeyaasha la laayay ku lahaayeen halkaas.

Dhammaan kooxihii weerarka geystay ayaa baxsaday iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo gaaray, iyadoo la sheegay in wargeyskan dhowr jeer oo hore la weeraray. iyadoo horay ay u daabaceen sawirro lagu afla-gaadeynayo nebigeenna Muxamed (NNKH) wargeyso ka soo baxa dalalka Yurub qaarkood, kuwaasoo si aad uga careysiiyay muslimiinta caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya