4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Agaasimaha & Tifaftiraha Idaacada Risaala oo Goor-dhow Xabiga laga daayay


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Suxufiyiin ka tirsan Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa laga sii daayay xabsiga ciidamada nabad-sugidda gobolka Banaadir, kaddib markii ay ku xirnaayeen shan maalmood, iyadoo ay idaacaddu weli hawada ka maqan tahay, sidoo kalena uu xabsiga ku jiro wariye idaacadda ka tirsan.

Wariyeyaasha lasii daayay ayaa waxay kala yihiin; agaasimaha Radio Risaala, Maxamed C/wahaab C/llaahi iyo tifaftiraha, Maxamed Kaafi Sh. Abuukar, iyadoo weli uu xabsiga ku jiro wariye, Maxamed Cabdi Cali oo la sheegay in uu yahay wariyihii sii daayay warka ku saabsan Ebola oo ahayd tii lagu xiray idaacadda.

Xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo la hadlay HOL markii la sii daayay wariyeyaashan ayaa u sheegay inay dadaal dheer u galeen sidii lagu sii-deyn lahaa, ayna hadda dadaal kale ugu jiraan sidii ay dib hawada ugu laaban lahayd idaacadda Risaala.

“Tallaabada sii deynta wariyeyaashan waa mid aad loogu farxo, maalmihii ay saddexda wariye xabsiga ku jireenna waxay NUSOJ dadaal ugu jirtay sidii xorriyadooda ay u heli lahaayeen,” ayuu HOL u sheegay xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Soomaaliya.

Sidoo kale, Maxamed Ibraahim ayaa ugu baaqay dowladda Somalia in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo wariyeyaasha kale ee xabsiyada dowladda ku jira, wuxuu kaloo ku baaqay in xoriyadda saxaafadda la ilaaliyo.

Wariyeyaashan xabsiga laga sii daayay ayaa iyaguna sheegay inaysan wax dhibaato ah qabin oo ay wanaagsan yihiin caafimaad ahaan, waxaynse intaa ku dareen inaan dhibaato loo geysan intii ay xabsiga ku jireen.

Dhanka kale, mas'uuliyiinta ururka NUSOJ ayaa uga mahadceliyay afhayeenka wasaarada Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf Cismaan doorkii uu ka qaatay sidii wariyeyaashan loo sii dayn lahaa iyo wada-shaqeynta dhabta ah ee uu u muujiyay ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaa, waxaa dowladda Soomaaliya u xiran wariyeyaal kale oo ka howlgalaya idaacado ku yaalla Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwo ka howlgalayay labada idaaacdood ee Shabeelle iyo SKY FM oo dhawaan uu dib u dhac ku timid maxkamadeyntooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya