4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Uganda oo sheegtay inaan Magdhow laga siin Askartii looga dilay Soomaaliya


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegay inaan magdhowka laga siin ciidammo looga dilay Somalia, iyadoo sheegtay in aysan ogeyn sababaha mag-dhowga askarta looga dilay Somalia ay u bixin la’dahay Midowga Afrika.

Xukuumadda ayaa sheegtay in weli qoysaskii askartii lagu dilay Soomaaliya aanay helin wax mag-dhow ah, isla markaana dowladda aan iyadana laga siin wax mag-dhow ah qalabkii ciidan ee uga burburay Soomaaliya, intii ay ku jireen howlgalka.

Wasiirka gaanshaadhigga Uganda, Dr. Crispus Kiyongo ayaa sheegay inay weli Uganda helin mag-dhowga hantidii ka burburtay iyo askartiii Somalia looga dilay, isagoo xusay in hantida ka burburtay ay ka mid yihiin diyaarado sannadkii 2012-kii uga burburay dalka Kenya, xilli ay ku socdeen Somalia.

“Somalia waxaa nooga dhintay ciidammo badan oo ay mid yihiin sideeddii askari ee lagu dilay weerarkii Xalane ay ku qaadday Al-shabaab oo dhacay 25-kii December, 2014-kii. Welina wax mag-dhow ah kama aanan helin,” ayuu yiri Kiyongo.

Dowladda Uganda ayaa dhowr jeer oo hore ka codsatay Midowga Afrika in uu mag-dhow ka bixiyo hantida iyo ciidamada ay ku waayeen howlgalka Soomaaliya, balse Midowga Afrika weli kama aysan hadlin codsiyadan.

Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay oo ciidamada Midowga Afrika AMISOM u soo dira Soomaaliya, si ay dowladda Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka ay kula jirto xoogagga Al-shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan 22,000 oo askari oo ka socda shan dal oo Afrikaan ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Burundi iyo Uganda, iyadoo dhawaan ay howlgalka ka baxday Sierra Leone oo uu ka dilaacay cudurka Ebola.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya