4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Hoggaamiyaha kooxda Boko Haram ee Nigeria oo u hanjabay dalka Cameroon


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Hoggaamiyaha kooxda islaamiga ah ee Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria ayaa cajalad fiidiyow ah wuxuu ugu habjabay Camaroon oo daris la ah Nigeria.

Sheekh Abuubakar Shekou ayaa cajaladan oo uu lasoo dhigay barta Youtube-ka shanteedii bishan Jannaayo ayuu ku sheegay in haddii madaxweynaha Cameroon, Paul Biya uu joojin waayo colaadda uu ku hayo Boko Haram uu mudan doono mid la mid ah cawaaqibka ay la kulantay dalka ay dairska yihiin ee Nigeria.

Ciidamada Cameroon ayaa waxay deegaanno ku yaalla waqooyiga fog ee dalkaas waxay dhawaan kula dagaalameen xoogag Boko Haram, iyagoo ku dilay dagaalladaas boqollaal ka mid ah dagaalyahannada kooxdan.

“Fariintan waa mid ku wajahan Paul Biya, waxaana leeyahay haddii aadan si dhaqso ah ku joojin colaadda aad ku hayso kooxda, Alle idinkiis waxaan idin dhadhansiin doonnaa mid ka mid ah dhibaatada ku dhacday Nigeria,” ayuu ku yiri Shekou fiidiyowgan fariinta ah.

Waa markii ugu horreysay oo hoggaamiyaha Boko Haram uu fariin noocan oo kale ah si toos ah ugu diro madaxweynaha Cameroon, sidoo kalena waa fariintii ugu horreysay oo kooxdan ay ku sheegto inay dagaalkooda u duwi doonaan dalka ay dariska yihiin ee Cameroon.

Kooxda Boko Haram ayaa waxay maalmihii lasoo dhaafay sare u qaadday weerarrada ay ka geysanayso gobolka waqooyi-bari dalka Nigeria oo ku dhow xadka ay wadaagaan dalalka Cameroon iyo Nigeria.

Sidoo kale, kooxdan ayaa waxay kacdoonka ay kawaddo dalka Nigeria oo soo billowday sannadkii 2009-kii, waxay ku qabsadeen saddex gobol oo ku yaalla waqooyiga dalka Nigeria, halkaasoo ah meelaha ay muslimiinta ugu badan dalkaas ku nool yihiin.

Markii ugu horreysay ayay kooxdu waxay gudaha wadanka Cameroon kula dagaalameen ciidamada dalkaas, waxaana dagaalkan oo oo ahaa mid aad u xoog badan uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Yonde.

Xukuumadda Camaroon ayaa sheegtay in kooxda Boko Haram ay 28-kii Dec, 2014-kii kasoo tallaabeen xadka uu dalkoodu la wadaago Nigeria, iyadoo uu amar ku bixiyay madaxweynaha dalkaas Paul Biya in diyaaradaha dagaalka lagu weeraro, taasoo keentay inay dagaalyahanno badan kaga geeriyoodaan Boko Haram.

Paul Biya ayaa wacad ku maray bishii Oktoober ee sannadkan inay dagaal la geli doonaan kooxda Boko Haram illaa ay ka baabi’inayaan, isagoo xusay in kooxdu aysan handadi karin shacabka dalka Camaroon ku nool.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Cameroon ayaa horay u sheegay inay gacan ka siin doonaan dalka ay dariska yihiin ee Nigeria sidii Boko Haram ay si wadajir ah ugula dagaalami lahaayeen, inkastoo heshiiskaas aan weli la hirgelin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya