4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2015
Culummada oo Dadka Soomaaliyeed uga digay inay ku dhaqmaan Qabyaalada


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Culummo Soomaaliyeed oo muxaadaro ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay Islaamka iyo Qabyaalladda, iyagoo sheegay in qabyaaladdu ay tahay mid diinteenna aysan ogoleyn.

Mashaa’ikhdan Soomaaliyeed ayaa sheegay in mashaakilaadka Somalia ay sal ku hayaan is-riixriixa qabaa;illada ayaa waxaa ka hadlay fikirka uu Islaamku ka qabo qabyaalladda, Sheekh Maxamed Macallin Axmed oo ka mid ah culummada gobolka Mudug.

Sheekha oo muxaadaradan ka jeedinayay masaajidka Ramadaan oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo ayaa xaaraannimada in dadku ay ku dhaqmaan qabyaallada wuxuu u daliishaday qodobbada soo socda.

Qeexida Qabyaaladda: Qabyaalladu waa inaad la jirtid qabiilkaaga gar iyo gardaraba, miisaanka aad dadka ku fiirinaysana uu noqdo qabiilka sharaf iyo sharaf la’aan intaba.

Tilmaamaha Qabyaaladii Islaamka ka hor: Gaaladii Carabeed ee laga soo saaray Nabi Muxamed (NNKH) waxay ahaayeen kuwo aad ugu dheertay qabyaaladda waxaa ka mid ah tilmaamaheeda:

B. Xad-gudubka (Dulmiga)
T. Faanka (anaa reeb Hebel ah)
J. Aano qabiil hebel kasoo jeeda
X. Inay u kacaan qof walba oo qabiilkooda ka mid ah oo ugu yeera dagaal iyagoon fiirin ma saxan yahay mise waa qaldan yahay.

Sheekh Maxamed Macallin Axmed ayaa wuxuu sidoo kale qodobbo ay ka mid yihiin wuxuu Islaamku ka qabto qabyaaladda ama heerka uu ka joogo diinta Islaamka.

Wuxuuna sheegay in islaamka uu diiday in qabiilka la isugu faano ama isaga dartii la isku dulmiyo ama, dadka lagu soo kala dhawayto, isagoo soo qaatay aayado ALLE uu qur’aankiisa Kariimka ah kusoo dajiyay oo ay ka mid yihiin:

A. Waxaa idin kugu sharaf badan kan Alle ka cabsada.
B. Dadka Iimaanka leh waa walaalo dhib iyo dheefna wadaaga.
C. Xariga ilaahay wada qabsada oo isagu ha idin kulmiyo.
D. Wanaaga isku kaalmaysta oo xumaan ha isugu kaalmaynina.

Si kasta oo ay tahay,, muxaadaradan ayaa waxay qayb ka ahayd muxaadarooyin ay culumo Soomaaliyeed ka jeedinayeen magaalada Gaalkacyo, taasoo ay dadka uga digayeen in lagu dhaqo ama la isugu faano qabyaaladda, oo ay ku tilmaameen intay tahay midda maanta dhigtay Soomaaliya halka ay taallo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya