4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Ciidamada Itoobiya oo Isaga baxay Deegaanno ka Tirsan Gobolka Gal-guduud


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa la sheegay inay isaga baxeen xalay saqdii dhexe deegaannada Ceel-garas iyo Ceel-la-helay oo kawada tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia una dhexeeya degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuuso-mareeb.

Ciidamada Itoobiya oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay ka baxeen degmooyinkaas xalay saqdii dhexe, ayna gaareen iyagoo gaadiid kuwa dagaalka ah wata magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolkaas.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Ceel-la-helay ayaa sheegaya inay xalay saqdii-dhexe ciidamada Itoobiya ka baxeen deegaanka oo ay fariisimo kala duwan ku lahaayeen, iyagoo xusay inay dib ugu soo laabteen deegaankaas xoogaggii Al-shabaab ee horay looga saaray.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Ceel-garas ayaa isna warbaahinta u sheegay in ciidamada ay Dhuusa-mareeb u doonteen raashin iyo alaabo kale oo ay u baahan yihiin, ayna dib ugu soo laaban doonaan deegaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadan laga bedelay deegannadan, laakiinse ay ka baxeen intii aysan soo gaarin ciidamadii ka bedeli lahaa, taasoo aan la ogeyn sida ay ku dhacday.

Maamulka gobolka Galguduud ee dowladda Soomaaliya iyo taliska Itoobiya ee AMISOM ka tirsan midna weli kama uusan hadlin ciidamada la sheegay inay isaga baxeen deegaan-nada Ceel-la-helay iyo Ceel-garas.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Itoobiya ayaa horay uga baxay deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud, kuwaasoo ay dib ugu laabatay Al-shabaab sida degmada Ceel-buur oo ay mar kale ku laabteen ciidamada Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya