4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Ammaanka Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho oo Si Aad ah loo Adkeeyay


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Ammaanka waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa la adeekay, iyadoo sababta amni adkeynta caasimadda lagu sheegay inay qayb ka tahay wasiirrada arimaha dibadda ee IGAD oo imaanaya Muqdisho, si ay shirkoodii ugu horreeyay ugu yeeshaan muddo 24-sano ka badan.

Ciidamada fara badan oo kuwa amniga dowladda ah ayaa la dhigay jidadka waaweyn, sida kan gala garoonka diyaaradaha Muqdisho, waddada gasha madaxtooyada Somalia iyo jidka muhiimka ah ee Maka Al-Murama.

Askarta waddooyinka la dhigay ayaa baaritaanno ku haya gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyagoo ka baaraya hub iyo waxyaabo kale oo qarxa, taasoo xubno ka tirsan saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay tahay mid amniga lagu xaqiijinayo.

Mid ka mid ah saraakiisha hay’adaha amniga dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in adkeynta amniga ay qayb ka tahay sugidda wufuudda dalalka ku yaalla Bariga Afrika oo Muqdisho u imaanaya shirka IGAD.

“Waddooyinka muhiimka ah amnigooda waa la adkeeyay, waana mid looga hortagayo in falal amni-darro ah la geysto inta ay madaxda IGAD wadanka ku sugan yihiin,” ayuu yiri sarkaalka oo aan is-magacaabin.

Shirka wasiirro arrimo dibadeedyada IGAD ayaa lagu wadaa inay ka qayb-galaan wasiirrada arrimaha dibadda, Jabuuti, Itoobiya, Uganda, Suudaan, Kenya iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo Somalia ay shir guddoomin doonto shirkaas.

Tallaabadan ayaa noqoaysa mid sii xoojinaysa kalsoonida dhinaca amniga ah ee caalamku uu ku qabi karo Soomaaliya oo ay colaado ka taagnaayeen 24-kii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo billowday markii la riday dowladdii uu hoggaaminayay milateriga sannadkii 1991-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya