4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2015
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Beeraha Somalia oo beeniyay in uu Is-casilay

Isniin, Janaayo 12, 2015 (HOL) — Wasiirka wasaaradda beeraha xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamed Sheekh (Badni) ayaa beeniyay warar lagu sheegay inuu xilka loo iska -casilay, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay uuna ka shaqeyn doono horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed.

Xuseen ayaa sheegay inay xilkan u id-madeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayna tahay wasaarad uu aqbalay, uguna shaqeyn doono sidii beeraleyda Soomaaliyeed ay u gaari lahaayeen horumarro waa-weyn.

“Mas’uuliyadda la ii magacaabay ee ah wasiirka beeraha si aad ah ayaan ugu faraxsanahay, waana mid la ii idmaday, shacabka Soomaaliyeed ayaana ugu shaqeyn doonaa,” ayuu yiri wasiirka oo ka dalbaday warbaahinta qaarkeed inay ka fiirsadaan wararka ay baahinayaan.

Sidoo kale, wasiirka beeraha ayaa xusay inaanay wanaagsan in ummadda la marin-habaabiyo, isagoo ballanqaaday in beeraleyda Soomaaliyeed uu kala shaqeyn doono sidii ay miro badan u soo saari lahaayeen.

“Horumarinta beeraha Soomaaliya waxaan kala shaqeyn doonaa dalalka kale ee caalamka waxaana rajeynayaa in beeraleyda Soomaaliyeed ay badiyaan wax-soo-saarkooda dhanka beeraha,” ayuu intaas ku daray wasiirka cusub ee beeraha.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Xuseen Maxamed Sheekh ayaa ka mid ah lixdan xubnood oo golaha wasiirrada xukuumadda ah oo uu xalay gellinkii dambe ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Soomaalida qaarkeed ayaa baahisay in wasiirka cusub ee beeraha Somalia uu xilka iska casilay, kana dalbaday ra'iisul wasaaraha Somalia inuu u magacaabo xilka cid kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya