4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2015
In ka badan 600 oo arday oo ka Qalin-jabiyay Jaamacada SIMAD (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 12, 2015 (HOL) — Munaasabad ay ku qalin-jabinayeen in ka badan 600 oo arday oo wax-ka-baratay Jaamacadda SIMAD ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qayb-galeen maamuulka Jaamacadda, waaliddiin iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha horumarinta ee SIMAD, Daahir Xasan Carab oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa xusay in ardayda ka qalin-jabiyeen saddex kulliyadood oo kala ah; dhaqaalaha iyo cilmiga bulshada, ganacsiga iyo xisaabaadka, kumbuyuutarrada iyo tiknoolajiyadda.

C/llaahi Cumar Saalax oo ka mid ah barayaashii lagu aasaasay Jaamacadda 15-sano ka hor walina wax ka dhiga ayaa ardayda kula dardaarmay inay dhaqan-galiyaan cilmigii la baray. Isagoo yiri. “Cabsi kama qabno waxaan idin barnay iyo tayadiina, waxaana idinka filaynaa inaad dabaqdaan waxaad SIMAD ka barateen.” Wuxuuna ammaan u jeediyay ardaydii horay uga qalin-jabisay Jaamacadda oo shaqoyin wanaagsan ka haya hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Madaxa howlaha ee Premier Bank oo taabbo-geliyay xafladda, C/rasaaq Maxamed Axmed oo xafladdan ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ardaydayda qalin-jabisay, isagoo sheegay in bangigoodu uu taageerayo waxbarashada.

“Waxaa tusaale u ah inaan taageereyno waxbarashada ardaydan qalin-jabinaysa ee halkaan fadhida, qaarkood ayaa ka shaqo billaabay bangiga, kaddib markii ay ku guuleysteen tartan dhex-maray in ka badan 400 oo qof oo shaqo-doon ahaa, kuwaasoo kasoo qalin-jabiyay Jaamcadaha kala duwan ee dalka,” ayuu yiri C/qaadir Maxamed.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga sare ee Jaamacada SIMAD, Sh. Maxamed Qamiis ayaa isna tilmaamay in wakaaladda Muslimiinta Afrika ay 20-sano ka hor ay bilowday caawinta dadka, isla markaana xoojiso waxbarashada si shacabka Soomaaliyeed ay dhibaatada uga baxaan. Isagoo ku nuux-nuuxsaday in dadaalkii ay ku bixiyeen in la helo waxbarashada aasaasiga ah iyo midda jaamacadeed.

“Waxaan billownay dugsiga sare ee Axmed Gurey, ardaydii ka qalin-jabisay ayaan is-wey-diinay halka ay aadayaan, waxaan garannay inay muhiim tahay in la helo waxbarasho sare, talo-wadaag kaddib, waxaan isku raacnay inaan dhisno machadkii SIMAD oo maamulka iyo xisaabaadka lagu baranayay, taasoo maanta isku bedeshay Jaamacad,” ayuu Sheekh Qamiis yiri.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay in xafladda ay kasoo qaybgalaan guddiga sare ee Jaamacadda SIMAD, isagoo tilmaamay in tirada qalin-jabinaysa ay gaarayaan 620 arday.

Ardayda qalin-jabisay ayuu ku boorriyay inay danta guud ka shaqeeyaan, ayna middooda gaarka ah ka hormariyaan. Isagoo yiri. “Waxaan idinku boorinayaa inaad danta guud ka shaeqysaan… aadna ka horumarisaan tiinna gaarka ah, marka jiadka la dhiso, caafimaadka la hormariyo iyo in korontada la wanaajiyo. Idinku waad wanaagsanaanaysaan, balse hadii aad ka fikirtid dantaada gaarka ah waad ku imtixaannaan doontaan.”

Ugu dambeyn, guddoomiyaha guddiga sare ee Jaamacadda SIMAD (Board of trustee) ayaa u hambalyeeyay dufcadda 10-aad ee ka qalin-jabisay Jaamacadda SIMAD, isagoo xusay in wax lagu farxo tahay in hay’adda Direct-Aid ay maamusho Jaamacadda SIMAD.

Si kastaba ha ahaatee, kulliyad kasta ardayga ugu darajada sarreeyay ayaa la abaal-marin l guddoonsiiyay, iyadoo sidoo kale la abaal-mariyay saddexdii gabdhood ee ugu darajada sarreeyay dhammaan gabdhaha ka qalin-jabiyay Jaamacadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya