4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2015
Xukuumadda Iiraan oo u Hambalyeysay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid


Isniin, Janaayo 12, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka dalka Iiraan, Eshaq Jahangiri ayaa hambalyo u soo diray ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Hambalyadan oo maanta la gaarsiiyay ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Iiraan ay ka shaqeynayo sidii ay u xoojin lahayd xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

“Iiraan waxaa ka go’an inay xoojiyo xiriirka siyaasadeed, midka dhaqan iyo kan dhaqaale ee kala dhexeeya xukuumadda Soomaaliya,” ayuu Jahangiri ku yiri qoraalkiisa hambalyada ah.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Iiraan ayaa sheegay inuu Sharma’arke iyo shacabka Soomaaliyeed u rajeynayo guul iyo horumar dhaqso ah, isagoo xusay in dalkiisu uu gacan ka geysanayo horumarka Soomaaliya ka socda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada oo ka kooban 60-xubnood ayaa xusay inuu ku rajo-weyn yahay in dalka ay gaarsiiyaan doorasho marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Cumar C/rashiid ayaa ra’iisul wasaare kasoo noqday Soomaaliya intii u dhexeysay 2009-kii illaa 2010-kii, iyadoo mar kale uu madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu ra’iisul wasaare u magacaabay 17-kii bishii December ee sannadkii hore.

Dalka Iiraan ayaa waxay ka mid tahay dalalka isha ku haya Soomaaliya, iyadoo sannadkii 2011-ka qayb ka ahayd dalalkii u soo gurmaday Somalia, xilligaas oo ay dalka ku dhufteen abaaro macluul baahsan sababay.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii jagada loo doortay dhammaadkii sannadkii 2012-kii ayaa magacaabay saddex ra’iisul wasaare, iyadoo labadii ra’iisul wasaare ee hore ay xilalka ku waayeen khilaaf soo dhexgalay iyaga iyo madaxweynaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya