4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2015
Ciidanka Sierra Leone oo munaasabad sagootin ah loogu sameeyay Kismaayo

Isniin, Janaayo 12, 2015 (HOL) — Iyadoo la filayo in dhawaan ay Somalia isaga baxaan ciidamada ka socda dalka Sierra Leone ayaa xaflad lagu sagootinayo ciidamadaas waxaa loogu sameeyay xarunta madaxtooyada ee Kismaayo.

Xafladdan oo ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah saraakiisha hogaamineeysa ciidamada SIeraleone eek u sugan Jubooyinka, madaxweeyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubbaland Mudane C/qaadir Lugadheere iyo weliba xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubbaland.

Xafladda ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max’ed Warsame Faarax Darwiish, waxa uuna sheegay in ciidamada Sieraleone eek u sugan Jubooyinka ay qeyb weyn ka qaateen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Jubooyinka, isagoo mahadcelin u jeediyay dowladda wadankaasi Sieraleone.

Madaxa maamulka Jubbaland ee madasha ka hadashay ayaa dhammaantood si isku mida ugu mahadceliyay ciidamada Sieraleone eek u sugan Jubooyinka, kuwaasoo ay ku amaaneen in ay kaalin weyn ka qaateen nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya.

Gen. Alio oo ah taliyaha ciidamada AMISOM qeybta Kismaayo oo isna madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyay xafladda sagootinta ah ee loo sameeyay, isagoo sheegay in aysan ilaabi doonin sida loogu soo dhaweeyay gobollada Jubooyinka.

Gen. Alio oo shabakadda HOL weydiisay waqtiga kama danbeysta ee ay ciidamadooda ka bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya ayaa waxa uu yiri “Ciidamadeenu waxay Somalia ka bixi doonaan dabayaaqada bishan Jannaayo.”

Ugu danbeyntii madaxweeyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland, C/qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in aysan marnaba ilaabi doonin howlaha ay ciidamada Sieraleon ka qabteen Jubooyinka mudadii ay ku sugnaayeen,  isagoo u rajeeyay in uu Alle ka dulqaado cudurka dilaaga ah ee ka sameeyay dalkaasi.

Madaxweeyne kuxigeenka ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay qaar kamid ah saraakiishii ka socotay ciidamada Sieraleone ee goobta ku sugnayd.

Ka bixitaanka ciidamada Sieraleone ee Soomaaliya ayaa ka danbeeysay kadib markii dalkaasi uu ka dilaacay cudurka dilaaga ah ee EBOLA, kaasoo galaaftay nolosha dad aad u badan, waxa ayna arintaasi keentay in ay badal waayaan ciidamadii dowladda Sieraleone uga sugnaa Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya