4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2015
Puntland oo Soo Bandhigtay Goobihii ay Al-Shabaab Ka Qabsatay (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 12, 2015 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa saxaafadda u soo bandhigay markii ugu horreysay deegaannada buuraleyda Galgala oo ay kala wareegeen Al-shabaab, kaddib dagaallo ku dhexmaray toddobaadkii la soo dhaafay labadan dhinac.

Fariisimahan Puntland ay soo bandhigtay ee ay kala wareegtay Al-shabaab ayaa waxaa ka mid ah; Diin Digle oo ay ahayd halkii ay dagaallada culus ku dhexmareen xoogagga Al-shabaab iyo ciidamadii Puntland ee dagaalka kula jiray.

Deegaannadan ayaa waxaa kormeer ku tagay taliyaha ciidamada milateriga Puntland, Jen. Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere), taliye ku xigeenka booliiska gobolka Bari Jaqanaf iyo xubno kale.

DAAWO: Shir jaraa'id oo Mas'uuliyiinta Puntland ay ku qabteen Buuraha Galgala 
Jen. Siciid dheere ayaa laba casho ka hor sheegay inay soo gabagabeeyeen wajigii labaad, ayna billaabi doonaan wajigii saddexaad ee dagaalka, iyadoo madaxweynaha Puntland uu isaguna sheegay inay dagaalka wadi doonaan tan iyo intay kasoo af-jarayaan Al-shabaabta ku jirta buuraha Galgala.

Al-shabaab ayaa tan iyo 2010-kii waxay saldhigyo waaweyn ku lahaayeen buuraha Galgala oo ka tirsan gobolka Bari, halkaasoo ay dhowr jeer dagaallo kula galeen ciidanka Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya