4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2015
Wasiirka Waxbarashada Puntland oo tababbar u furay Haween Macallimiin ah

Isniin, Janaayo 12, 2015 (HOL) — Wasiirka waxbarshada Puntland, Cali X. Warsame ayaa tababar socon doono laba sano maanta u furay qaar ka mid ah haweenka barayaasha ka ah dugsiyada maamulka Puntland, waxaana tababarkan ka faa’idaysan doona 31 haween ah oo wax ka dhiga dugsiyada Puntland.

Munaasabadda furitaanka shirkan oo ka dhacaday kulliyadda tababarka maclimiinta GTEC ee magaalada Garowe ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada iyo xubno matalayay hay’adaha taageera maamulka.

“Waxaa la ogaaday in gabdhaha macalimiinta ah ay kaga fiican-yihiin macliimiinta ragga ah wax baridda ardayda dhiganaysa dugsiyada hoose, aad baana ugu faraxsanahay inaan halkan idin la joogo “ayuu yiri wasiirka waxbarashada oo goobta ka hadlay.

“Inaan kobcinno aqoonta gabdhaha maclimiinta ah oo iskuullada ay ka muuqdaan waxay ahayd mid ka mid ah siyaasadda wasaaradda waxbarashada,“ ayuu mar kale yiri wasiirka oo ku baaqay in gabdhaha fursadaha noocaan oo kale ah loogu yeero.

Wasiirka ayaa sheegay in gabdhaha ardayda ah ee dhigata dusiyada hoose ee Puntland ay tiro ahaan ka yar-yihiin wiilasha ,isla markaana ay ku dadaalayaan sidii waalidiinta loogu qancin lahaa in caruurtooda ay si siman waxbrashaa u siiyaan.

Ugu dambeyn, wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa sheegay in sanadkan 2015 ardayda deeqaha waxbarasho helay ay ku jiraan gabdho, waxaana maamuladda dugsiyada sare ee maamulka Puntland ugu baaqay inay hirgaliyaan xarumo gabdhuhu ku kulmaan xilliyada qaar.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]