4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2015
Dadweynaha Muqdisho oo ka hadlay aragtidooda ku aaddan wasiirrada cusub


Isniin, Janaayo 12, 2015 (HOL) — Shacabka Muqdisho ayaa ka hadlay golihii wasiirrada xukuumadda Somalia ee uu xalay magacaabay ra’iisul wasaare, Cumar C/rashiid; iyagoo qaarkood sheegay inay soo dhaweynayaan, halka kuwo kalena ay sheegeen inay ka xun yihiin in wasiirradii hore ee aan waxba qaban lasoo celiyo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay soo magacaabay gole wasiirro oo ka kooban 26-wasaaradood, 25-wasiir ku xigeen iyo sagaal wasiir u dowle. Iyadoo xukuumaddan lagu dhawaaqay gellinkii dambe ee xalay.

“Waan ku faraxsanahay wasiirrada lasoo magacaabay, waxaana golaha wasiirrada cusub ka reynaynaa inay wax-qabad wanaagsan la yimaadaan. Waxaanse ku talin lahaa in wasiiradii hore ee fashilmay inay wasaaradahooda wax ka qabtaan laga bedelo loona magacaabo xilal kale,” ayuu yiri mid ka mid ah dadweynaha ku nool Muqdisho oo lagu magacaabo Cumar.

Sidoo kale, Nuurto oo iyaduna ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa sheegtay in ay ka xun tahay wasiirrada lasoo magacaabay, waxayna sabab uga dhigtay in lasoo celiyay wasiiradii hore ee aan waxba qaban.

“Aad baan ugu faraxsannahay golaha wasiirrada ee lasoo magacabay xalay, waxaana leen-nahay waddankiina iyo shacabkiinaba si fiican ugu shaqeeya,” ayay tiri Raxmo oo iyaduna ka mid ah shacabka Muqdisho.

C/qaadir oo ka mid ah dadweynaha Muqdisho oo isna fikirkiisa dhiibanayay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay wasiirrada lasoo magacaabay, balse kuwii ka tirsanaa xukuumaddii hore ay ahayd inaan lagu soo darin. Isagoo yiri. “Si kasta oo ay tahay waxaan oran lahaa wasiirrada cusub inay dadkooda wax u qabtaan.”

Haweeney reer Muqdisho ah oo iyadana fikireeda ka dhiibatay dhismaha xukuumada ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso magacaabidda golaha wasiirrada cusub, iyadoo xustay in ay muddo cakirnayd magacaabidda xukuumadda ayna soo dhaweynayaa haddii xalay lagu dhawaaqay.

“Wasiirrada qaarkood waan ka xumahay in golaha lagu soo celiyo, waayo xukuumaddii ay ka tirsanaayeen ayaa fashilantay, kuwa cusubna waan soo dhaweynayaa, waxaana leeyahay dalkiina iyo dadkii wax u qabta,” ayay tiri Faadumo.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirrada cusub ee xalay la magacaabay ayaa la hor-geyn doonaa baarlamaanka Soomaaliya si ay codka kalsoonida u hesho, iyadoo haddii ay codka hesho waxaa laga sugayaa inay dhameystirto howlaha u dhiman dowladda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya