4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2015
Shirkii Qurbo-joogta Soomaaliyeed oo Maanta ka Furmay Rwanda (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 12, 2015 (HOL) — Magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirweyne ay ka qayb-galayaaan illaa 100 xubnood oo ka mid ah qurba-joogta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa u dhaq-dhaqaaqa danaha Soomaalida Qurbaha ku nool.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa sidii qurba-joogta Somalida ay u yeelan lahaayeen qorshe cad oo ku saabsan ka qayb-qaadashadooda dib u dhiska Soomaaliya iyo waliba u doodista xuquuqdooda.

Kulankan ayaa waxaa si wadajir ah u soo Qaban-qaabiyay Midowga Afrika, gaar ahaan AMISOM iyo waaxda Qurba-joogta ee wasaaradda arrimaha dibada Soomaaaliya, iyadoo gacan laga helaya hay’adda waan-waanta Afrika ee ACCORD oo fadhigeedu yahay dalka Koonfur Afrika.

Markii uu shirka ka furmay Hoteelka Des Mille Collines ee Kigali ayaa waxaa hadalo ka jeediyey ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maman S. Sidikou, agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Rwanda, Parfait Gahamanyi, mas’uul ka socday hay’adda ACCORD, danjire Welile Nhlapo iyo agaasimaha shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad).

“Haddii aad is-weydiinaysaan sababta shirkan loogu qabtay Rwanda, waa in waddanka Rwanda uu yahay dal dhibaato badan soo maray, kana tallaabay dhibaatadaasi, haddana ka mid ah waddamada Afrika ugu koboca badan, waana meel ay Soomaaliya casharro ka baran karaan,” ayuu yiri Sidikou.

Danjire Sidikou ayaa hadalkiisa ku daray in caalamku ay dadaal weyn ugu jiraan sidii loo dhisi lahaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasoo uu ku sifeeyay inay tahay in mid wax ka qaban karta nabadeynta Soomaaliya.

“Soomaalida ayaa looga baahan yahay inay dalkooda wax ka qabtaan, mana jirto cid kale oo wax ka qaban karta haddii aysan iyagu wax ka qaban,” ayuu ku daray danjire Sidikou hadalkiisa.

Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibada Rwanda ayaa isaguna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin marti-gelintaa shirkan, wuxuuna intaa ku daray in qurba-joogta ay micno badan ugu fadhiyaan dowladda Rwanda maadaama ay ka mid ahaayeen tiirarkii dib u soo kabashada Rwanda, sidaa oo kalena ay suuro-gal ka noqot Qurbo-joogta Soomaaliya.

Waxaa kaloo isna shirka ka hadlay danjire Welile oo ka socda dalka Koonfur Afrika isagoo sheegay in Koonfur Afrika ay soo martay dhibaatooyin badan, xiligii midab-takoorku uu ka jiray, dhibaatadaas dadkii sidii looga bixi lahaa ku garab-is-taagay ay ka mid ahaayeen Soomaaliya, taasina ay abaal-weyn uga hayaan Soomaalida.

Sidoo kale, agaaasimaha shaqaalaha madaxtooyada Somalia ayaa isaguna xusay in kaalinta qurba-joogta Soomaaliyeed ay muhiim u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya, dowladda kaligeedna aysan xallin karin dhibaatada dalka ka jirta.

C/qaadir Axmed Max'ed (Katiimey) oo ah agaasimaha xafiiska qurba-joogta ee wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa yiri. “Waa sax, haddaad tihiin Soomaalida Qubo-joogta ah lacago malaayiin doollar ah ayaad Soomaaliya u soo dirtaan, balse waxaa jira malaayiin kale oo aan dibadda loo jirin oo bannaanada ku dayacan, waxay u baahan yihiina ay aad u yar yihiin, taas ayaa la rabaa sidii wax looga qaban lahaa in looga tashado shirkan.”

Dhanka kale, Ku simaha guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Rwanda, Xasan C/llaahi oo shirka hadal ka jeediyay ayaa uga mahad-celiyay dowladda iyo shicibka dalka Rwanda marti-gelinta shirka iyo sidii ay ugu soo dhaweeyeen Somalida  dalkooda, isagoo qurbo-joogta ka dalbaday inay ka shaqeeyaan sidii iyagoo tusaale ka dhiganaya Ruwanda inay dib u dhisaan dalkooda Soomaaliya.

Shirka ayaa socon doono saddex maalmood ayaa xubnaha ka qayb-galaya waxay isla falan-qeyn doonaan siyaasad cusub oo loo dajinayo qurba-joogta Soomaaliyeed iyo kaalintooda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya