4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2015
Hay’ada CED oo Muqdisho tababar ugu qabtay ururada Haweenka G/Banaadir


Isniin, Janaayo 12, 2015 (HOL) — Hay’adda Waxbarashada iyo Horumarinta ee Center for Education and Development (CED) ayaa 21-kii bishii hore waxay Muqdisho Tababar ugu qabatay 20 haween ah oo ka kala socdo 20 ka mid ah Ururrada Haweenka ee ka howgala Magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo cinwaankiisu ahaa (Resource Persons Training for 20 CSOs Organizations, 21st-25th December,2014) oo ujeedadiisu aheyd in ilaa iyo 20 ururo haween loo tababaro dad ka caawiyo hormarka iyo sidii uu ururka waxqabad wanaagsan u lahaan lahaa isla markaana ay xoojiyaan dhismaha iyo qaabka uu ururka u shaqeeyo.

Tababarkan oo soconayay mudo shan maalin ah isla markaana ay qabashadisu iska kaashadeen Hay’adda CED iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Dimuqraadiyadda ee United Nation’s Democracy Fund oo marka magaceda la soo gaabiyo loo yaqaano (UNDEF) ayaa waxa lagu baranayay sidii sare loogu qaadi ah waxqabadka iyo koritaanka ururada haweenka.

Furitaankii Tababarka waxaa ka hadlay Agaasimaha Hay’adda CED, Eng. Abdullahi Ali Hassan oo ka soo qeybglayaasha ku soo dhaweeyay xarunta Hay’adda CED oo ah goobta tababarka lagu qabanayay. Agaasimaha ayaa si kooban uga hadlay waxqabadka iyo howlaha gargaarka bani’aadanimo ay Hay’adda CED ka wado gobalada dalka. Intaasi kadib Agaasimaha CED, Eng. Abdullahi Ali Hassn ayaa ka hadlay muhiimada tababarkani u leeyahay ururada haweenka isla markaana loo baahanyahay marka ay ururadooda dib ugu laabtaan in ay ka caawiyaan xoojinta iyo sare u qaadida uraradooda. Agaasimaha ayaa sidoo kale hadalkisa ku sii daray in mudada shanta maalin ah uu tababarkani soconayo in ay ku baran doonaan casharo aad muhiim u ah oo la xiriira howlahooda.

Casharada muhiimka ah ee Tababarkani lagu baranayay ee la xiriira xoojinta, hormarinta iyo sare u qaadidda howlaha ururada bulshada rayidka gaar ahaan ururada haweenka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah: Sare u qaadidda hogaanka ururada, fulinta mashaariicda, maamulidda maaliyadda ururka iyo u ololeynta iyo isku xirka ururada bulshada rayidka.

Tababarkan ayaa mudadii shanta maalmood aheyd waxa ku soo dhamaaday jawigii loogu talagalay ayadoo gabagabadiisana ay ka soo qeyb galeen masuuliyinta 20-ka urur ee tababarka u socday. Ka soo qeybgalayaashii tababarkan ayaa waxa ay si aad ah ugu mahadceliyeen Hay’adaha CED iyo UNDEF iyo Macalinkii tababarka bixinayay ayagoo sido kalena goobta ka soo jeediyay casharadii ay baranayeen mudada shanta maalin ah iyo weliba qaabka ugu macquulsan ay ugu dabaqi doonaan daruustii ay soo barteen howlaha ururadooda. Xubnihii tababarka u soo xirmay ayaa sidoo kale soo bandhigay istaraatiijiyadooda ku aadan sidii ay u xoojin lahaayeen isla markaana ay u hormarin lahaayeen howlaha & waxqabadka ururadooda iyo weliba qaabkii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha horyaala isla markaana ay fursadaha jira uga faa’iideysan lahaayeen.

Ugu dambeyn, Tababarkan ayaa waxaa soo xiray agaasimaha hay’adda CED, Inj. C/llaahi Cali Xasan oo sheegay in ay sii socon doonaan tababarada noocani oo kale ah ee lagu xoojinayo awoodda ururada Bulshada Rayidka gaar ahaan kuwa haweenka ah ee ka howgala Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya