4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2015
Rugta Ganacsiga Soomaalida Minnesota oo Soo Ban-dhigtay Wax-qabadkeedii


Isniin, Janaayo 12, 2015 (HOL) — Kulan ay ka soo qeybgleen dadweyne aad u fara badan oo isugu jira qeybaha bulshada Soomaalida ah, kuwaasi oo u badnaa ganacsato xarumo ganacsi ku leh Minnesota, aqoonyahano iyo waliba dad kale ee gobolka deggan ee aan Somaalida ahayn ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Munasaasibaddaan oo ahayd casho iyo kala war-qaadasho ay xarunta ganacsiga Soomaalida Minnesota oo la aas-aasay sanad kahor ku soo bandhiggeysay waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay shaqaynaysay ayaa waxaa ka hadlay madaxda rugtaan iyo dad kale oo martida madasha ka mid ahaa.

Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebene, oo ah gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaalida Minnesota ayaa sheegay in muddadii sanadka ahayd ee ay shaqaynayeen ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin in xaruntooda ku soo biireen ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo ganacsigoodu uu ka dhisan yahay Minnesota, islamarkaana ay ka faa’ideysteen fursado dhinaca aqoonta iyo kobcinta ganacsiga la xariira oo ay bixiyeen, sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in bixiyeen talooyin ay siiyeen shaqsiyaad cusub oo doonayey in ay bilaabaan ganacsi cusub.

“Gobolkaan waxaan ka nahay awood muuqata oo aysan cidina dafirikarin, waxaana ku leenahay awood ganacsi oo dhinac waliba leh, laakiin waxaan u baahan nahay in aan awooddeena mideyno, islamarkaana aan isticmaalno, sidaasi darteed waxaa ay “Rugtaan” u dhisan tahay in ay awooddaasi isku keento, sidoo kalana ay daboosho baahida ay qabaan dadkeena ganacsatada ah sida: sharciyada dowladda iyo kor u qaadidda aqoonta ay u baahan yahay dadkeena ganacsatada ah,” ayuu yiri Maxamuud Sh. Cabdiraxmaan (Benebene).

Siyaad Cabdullaahi, oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, islamarkaana ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in la helo rug ganacsi oo mideysa, sidoo kalana danahooda ka shaqaysa.

“Anigu, waxaan aaminsanahay in ay lama huraan noo tahay in aan helo xaruntaan oo kale, waxaana shaqsiyaadkii arrintaan ka shaqeeyey ay mudan yihiin abaal-marin…waxaana muddadii ay shaqeynayeen ay qabteen wax wanaagsan oo la taabankaro..Dhinaca kale waa in aan ka fikirno siddii aan ganacsigeena u horumarin lahayn, islamarkaana aan dad kale ee gobolka ku nool wax ula qeybsan lahayn,” ayuu yiri Siyaad Cabdullaahi.

Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee Minnesota oo ay shaqsiyaad ganacsato iyo aqoonyahano iskugu jira ay furan sanad kahor ayaa waxyaabaha ay ku guulaysatay ee madasha laga sheegay waxaa ka mid ahaa in ay xiriir adag la sameysatay dhiggeeda gobolka Minnesota, iyadoo shirka lagu casuumay ninka xiligaan madaxweynaha ka ah oo hadalo ka jeediyey.

Bill Blazer oo ah madaxweynaha kumeel-gaarka ah ee rugta ganacsiga gobolka Minnesota ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan rugta ganacsiga Soomaalida Minnesota, islamarkaana ay isweydaarsan doonaan waxyaabo badan oo faa’idooyin u leh horumarinta ganacsiga iyo ganacsatada, isagoo intaasi ku daray in ay lama huraan tahay in dadka Soomaaliyeed ganacsatada ah ay la shaqeeyaan rugtooda, islamarkaana ay xubno ka noqdaan.

Madaxda Rugta Soomaalida Minnesota ayaa balan-qaaday in ay sii balaaran-doonaan waxqabadkooda, islamarkaana diyaar u yihiin in ay daboolaan baahida ganacsatada hadda ganacsiyadu shaqeeyo, iyo kuwa ku haminaya in ay furtaan ganacsi cusub, iyagoo ku dhiirageliyey in ganacsadu ku biiraan rugtooda, islamarkaana ay xubno ka noqdaan.

Maxamed Faarax Talyaani
[email protected] | [email protected]  
Minneapolis, Minnesota
Sawirrada: Siyaad Saciid Salaax