4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2015
BIIXI: War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka IGAD SL waxba kama quseeyaan


Isniin, Janaayo 12, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in War-murtiyeedkii ka soo baxay gabo-gabada Shirkii Wasiiradda arrimaha dibadda Urur Gobolkeedka IGAD ka dhacay magaaladda Muqdisho aanu khusayn Somaliland, waxaanu tilmaamay in Qodobadda ku jira War-murtiyeedkaasi uu khuseeyo dalka Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray.

“Somaliland waa Waddan jira oo shacabka Somaliland ay go’aansadeen inay gaar isku taagaan muddo 25 Sannadood ah, wadamadda iskugu yimid Shirka IGAD ee Muqdisho ka qabsoomay intaba cilaaqaad-badan ayaanu leenahay iyagu-na wey ogsoon-yihiin, Somaliland waa Wadan xor ah oo Dawladda Somaliya horteeda xor ahaan-jiray, Xuduudo la yaqaano ayuu leeyahay. War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka IGAD Somaliland waxba kama khuseeyaan, waayo markaad aragto Datsuurka Midowga Afrika wuxuu sheegayaa inay lama tab-taan yihiin Xuduudaha la yaqaano.”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Biixi oo ka hadlayey shirkii IGAD ku yeesheen Muqdisho.

Wasiirka wuxuu tilmaamay in uu aaminsan yahay in midnimadda la sheegayo Somaliland ku jirin, waxaanu yidhi “Waxaanu aaminsan-yahay in aanay Somaliland ku jirin, waayo Somaliland xor-bay ahayd oo Xuduud caalamka oo dhami yaqaano ayay leedahay, markaa anagu waxaanu aamin-sanahay in aanu nahay Waddan xor ah haddana wadda sidii aanu Xamar uga go’I lahayn, Waddamadaasi-na waxay ka mid yihiin kuwaanu doonayno in aanu ku soo casuuno wadda-hadaladda Somaliland iyo Somaliya.”.

Wasiirka oo ka hadlayey hadal ka soo yeedhay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Soomaaliya oo eedeen usoo jeediyey shirkad macdan baadhis ka wadda Somaliland ayaa yidhi“Arrinta Macdanta, maalintii dhawayd 6-dii qodob ee uu Makhraatiga ka ahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee ay kala saxeexdeen Madaxweyneheena iyo Madaxweynaha Somaliya oo aanu muhiim u arkaynay, waxa ka mid ahaa inaan la carqaladayn oo aan la dhex- galin arrimaha ku saabsan Horumarka iyo Dhaqaalaha. Arrintaas uu ka hadlay Ninka Agaasimaha ah ama warkaas ka soo baxayna wax ka jiraa ma jiro. Cid maanta ka joojin karta Somaliland inay Dhaqaalaheeda,Horumarkeeda iyo Macdanteeda la soo baxdaana ma jirto, cid ku soo duulaysaana ma jirto Macdanteedana way wadanaysaa.”

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland