4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 11, 2015
Taliyaha booliska S/land oo ka warbixiyay hawlgallo ay ka fuliyeen Hargeysa


Axad, Janaayo 11, 2015 (HOL) — Taliyaha Booliiska Somaliland, S/Guuto C/llaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in toddobaadkii u dambeeyey soo qabqabteen dad si casriyeysan kusoo galinayey Somaliland mukhaadaraadka iyo dhallinyaro habeenkii rabashaddo ka samaysa magaaladda.

“Todobaadkii hore iyo kan aynu ku jirno ciidamada booliisku waxay fuliyeen hawl-gallo ballaadhan oo wajiyo badan leh, kaasi oo ku wajahnaa Muqaadaraad iyo dhalinyaro kooxo isku dilay sannadkii hore. Ciidamada booliisku waxay howlgalladooda ku qabqabteen 550 oo qof oo sharciga la hor geeyay xukunno kala duwanna lagu riday xukumay” ayuu yidhi Fadal.

Isagoo intaas ku daray. “Wuxuu todobaadkan Ciidanka Boolisku qabtay Mukhaadaraad aad iyo aad u fara badan, kaas oo iskugu jira Xashiishad iyo Khamriba.Illaahay mahadii waxay Ciidanku gacanta ku dhigeen saddex Xidhmo oo Xashiishad ah oo sida Jaadka dhaadheer loo xidhay iyo Saddex Eedaysane iyo Baabuur”.

Sidoo kale, taliyuhu waxa uu sheegay in tahriibayaal dhalinyaro ah ay xadka Somaliland ka soo qabteen kuwaas oo u gudbiyey Itoobiya, waxa kale oo uu tilmaamay in illaa 180 qof oo Oroma ah oo dalka soo galiyeyna ay dib u celiyeen.

Si kastaba ha ahaaatee, waxa habeenkii khaatiyaan laga joogo dhalinyaro habeenkii dadka mobiladda ka dhacay, isla markaana dhibaato u gaysanaya, kuwas oo magaaladda laga dareemay, haseyeeshee taliyuhu wuxuu sheegay inay gacan adag ku qabteen dhalinyaro badan oo kuwo habeenkii rabshadaha samaysa kuwaas oo sharciga la hor geyni doonno.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland