4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 11, 2015
Magaalada Mombasa ee Xeebta Kenya oo lagu dilay Hoggaamiye Kaniisadeed


Axad, Janaayo 11, 2015 (HOL) — Magaalada Mombasa ee xarunta gobalka xeebta Kenya ayaa maanta waxaa lagu dilay hogaamiye Kaniisadeed, xili uu damacsanaa in uu galo goob dadka Masiixiyiinta ah ay ku cibaadeysanayeen.

Ciidamada Booliska Mombasa ayaa xaqiijiyay dilkaas waxeyna sheegeen inay baaritaanno ku hayaan cidii dilkaas ka dambeysay.

Daa'uud Maxamed Nunow oo ah taliyaha booliska Magaalada Mombasa ayaa sheegay in nin hubeysan uu gadaal ka toogtay hogaamiyahaas Kaniisadeed oo damacsanaa inuu galo Iskuul dowladu ay leedahay oo dad Masiixiyiinta ah ay ku cibaadeysanayeen.

Wuxuu intaas ku daray Daa'uud in ay wadaan baaritaano ku saabsan cida ka dambeysay dilkaas iyo waliba qofkii dilkaas geystay, isagoona ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Mombasa iney la shaqeeyaan Ciidamada Bilayska si loo soo qabto gacan ku dhiigalahaas.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Xaafada Majengo ee magaalada Mombasa oo sanadihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dilal qorsheysnaa iyo waliba qaraxyo, wuxuu dilkaan noqonayaa kii ugu horeysay oo sanadkaan cusub ka dhacdo magaaladaas.

Xiligii dilka uu dhacayay maanta, ayaa wararku waxey sheegayaan in wadaadka Masiixiga ah uu ka dagan baabuur gaadidka dadweynaha ah; isla markaasna uu damacsanaa inuu gudaha u galo meel ay iskugu yimaadeen dad badan oo Masiixiyiin ah maalinta axada ah darteed.

Ragga dilka geystay ayaa wararku waxey xaqiijinayaan iney isku dayeen gudaha u galaan goobtii ay ku cibaadeysanayeen dadka Masiixiyiinta ah, balse waxaa ka hortagay ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa goobtaas.

Dhanka kale, amniga magaalada Mombasa, ayaa aad loo adkeyay iyadoo dadka ku dhaqan magaaladaas ay ka cabsi qabaan in mar kale ay falal ka dhan ah amniga ka dhacaan.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya