4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 11, 2015
DANJIRE AFEY: Marti-gelintii Shirkii IGAD Somalia waxay ku heshay Ammaan

/images/gallery/201492763547411650879134510561530_10204893596602450_5912045377160024484_n.jpg
Axad, Janaayo 11, 2015 (HOL) — Wakiilka IGAD ee arrimaha Somalia danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ururka IGAD ku tilmaamay inuu ahaa mid gudbinaya farriin ah in Soomaaliya uu ka jiro amni la isku halleyn karo.

Danjire Afey ayaa ku ammaanay dowladda Somalia sida shirka ay u marti-gelisay iyo ciyaarihii hiddaha dhaqanka Soomaaliyeed ee wufuudda loogu soo bandhigay Muqdisho, isagoo xusay in shirka ay ka soo baxeen qodobbo la taaban karo.

“Waxaan ku ammaanaynaa dowladda federaalka Somalia shirkan IGAD ee ay Muqdisho ku marti-gelisay. Shirkaasna wuxuu ahaa mid fariin u ah inay Soomaaliya ka jirto nabadgalyo, wana tusaale caalamka tusaya in amni la isku halleyn karo ay Somalia ka jirto,” ayuu danjire Afey yiri.

Sidoo kale, ergayga IGAD ayaa sheegay in qodobbada muhiimka ah ee ka soo baxay shirkii wasiirrada IGAD ay ka mid yihiin hirgelinta federaaliisimka oo wax badan laga qabtay.

“Xukuumadda Somalia waxaan ku ammaanaynaa wixii ay ka qabatay arrinta ku saabsan u gogol-xaarka federaaleynta Soomaaliya iyo hiigsiga 2016-ka; isagoo xusay inay muuqa-nayaan ifafaalaha inay Somalia doorasho xor ah ka dhacdo marka xilliga la hiigsanayo la gaaro,” ayuu hadalkiisa ku daray Afey.

Madaxweynaha Somalia oo isna xalay soo saaray warbixin uu kaga hadlayay shirkii 53-aad ee wasiirrada IGAD ee magaalada Muqdisho ka dhacay ku sheegay inuu ahaa mid Somalia lagu imtixaanayay, uuna Alle ku guuleeyay.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa Sabtidii shalay ku yeeshay Muqdisho shirkoodii caadiga ahaa, kaasoo la sheegay inuu ahaa mid deg-deg ah oo looga hadlayay horumarrada Somalia iyo howlaha u dhiman.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya