4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 11, 2015
Gudoomiyaha Cusub ee Rugta Ganacsiga PL oo xilka la Wareegay (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 11, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdi xakiim Camey ayaa magaalada Garoowe kaga qayb-galay xaflad uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee rugta Ganacsiga Puntland  C/raxmaan Warsame Jaamac.

Waxaa kaloo munaasabadda ka qayb-galay qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland, aqoon-yahanno ,xildhibaanno iyo qaar kamid ah ganacstada ugu caansan gobolka ,waxaana xafladdan xil wareejinta ah ay ka dhacday hoolka Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe.

“Dhamaanteen waxaan u baahannahay inaan isbadal samaynno , si aan uga qayb-noqonno habka uu u shaqaynayo adduunkan casriga ah,” ayuu yiri Gaas oo goobta ka jeediyay khudbad la xiriirta ganacsiga iyo heerarka uu adduunku ka soo maray.

Isagoo intaas ku daray. ”Dhis adigu waddada lacagtaadana kala soo laabo - faa’iidana ka hel, kaddibna shacabka iyo dawladda dib ugu celi, wax weynna maahan ajarna waad ka helaysaa dalkuna horumar ayuu ku gaarayaa” ayuu mar kale yiri Gaas.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday hogaanka cusub ee rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland in sakada la bixinayo sanadka danbe dowladda la siiyo si wax looga qabto arimo ay kamid –yihiin dhisimaha garoomada Puntland.

“Waxaan kaloo idinka dalbanayaa inaad ka qayb-gashaan dagaalka kooxda Al-shabaab lagula jiro oo dowladda arintaas aad ku garab istaagtaan,“ ayaa kamid ahaa hadaladii uu goobta ka jeediyay Gaas.

Ugu danbayn, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo dhawaan xilka loo doortay ayaa u mahad-celiyay marti sharafta munaasbadda ka soo qayb-gashay, waxaana uu xusay in horumarinta ganacsiga gobolka ay ka shaqayn doonaan inta ay xafiiska joogaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]