4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 11, 2015
Al-shabaab oo sheegatay Qarax lagu Qaarijiyay Askar oo ka dhacay Kismaayo


Axad, Janaayo 11, 2015 (HOL) —  Saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku geeriyooday qarax kolonyo gaadiid ah lagula eegtay xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo gellinkii dambe ee shalay oo Sabti ahayd.

Mas'uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, iyadoo qaraxan uu ka dhacay xaafadda Guul-wade oo ka tirsan xaafadaha Kismaayo, halkaasoo ay marayeen baabuurta ay la socdeen ciidamada geeriyooday.

“Qaraxa waxaa lala beegsaday gaadiidka ciidamadeenna. saddex askari ayaana lagu dilay qaraxaas oo miino ahaa,” sidaas waxaa warbaahinta ugu sheegay Kismaayo mid ka mid ah saraakiisha booliiska Kismaayo oo lagu magacaabo Ismaaciil Xuseen.

Goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegay in ciidamadii qaraxa lala beegsaday ay fureen rasaas, kaddib markii uu qaraxu dhacay, taasoo dishay laba haween ah oo meesha marayay.

Ismaaciil Xuseen oo ka tirsan sarkaasha booliiska Kismaayo ayaa diiday inay ciidamadii qaraxa lagu weeraray ay dileen haweenka. “Ma jiraan qof  shacab ah oo ay dileen askarta qaraxa lagu weeraray kaddib.”

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-Muscab ayaa xusay in weerarkaas ay iyagu mas’uul ka yihiin, ayna ku dileen afar sarkaal oo ka tirsan sir-doonka maamulka KMG ah ee Jubba.

Sheekh Abuu-Muscab ayaa ku goodiyay inay weerarrada ay ka geysanayaan deegaannada uu maamulo maamulka KMG ah ee Jubba ay sii wadi doonaan, isagoo maamulkaas ku eedeeyay inuu dhibaatooyin ku hayo shacabka.

Dhanka kale, afhayeenka howlgallada Al-shabaab ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday saldhigga Boosaaso, isagoo sheegay inay weerarkan ku dhaawaceen afar askari oo ka tirsan ciidamada booliiska Puntland.

Ugu dambeyn, Bashiir Axmed oo ka tirsan saraakiisha booliiska Puntland oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dhaawacantay haweeney ka mid ah kuwa Qaadka ku iibiyo Boosaaso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya