4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 11, 2015
Bambooyin lagu Weeraray Saldhigga Dhexe ee Booliiska Magaalada Boosaaso


Axad, Janaayo 11, 2015 (HOL) — Labo bam oo nooca gacanta laga tuuro ah ayaa xalay lagu weeraray saldhigga dhexe ee booliska degmada Bosaso.

Qaraxa ka dhashay labada bam oo jugtiisa laga maqlay badi xaafadaha, wuxuu dhaawac fududi kasoo gaarey labo askari oo ka tirsan booliska iyo qof rayid ah.

Qofka rayidka ah ee dhaawacmay ayaa ahayd haweeney kamid ah kuwa qaadka ku gada afaafka hore ee saldhigga.

Ma ahan markii ugu horeysey ee bam gacmeed lagu weeraro saldhigga dhexe ee booliska Bosaso, haseyeeshee weerarkii xalay ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee lagu soo qaado sanadkan 2015.

Saldhiga dhexe wuxuu ku dhow yahay xarumo dowladeed oo muhiim ah kuwaasoo ay kamid yihiin: dekedda, xarunta taliska booliska gobolka Bari, isbitaalka guud, xarunta maamulka dowlada hoose, xarunta maamulka gobolka Bari, bankiga dhexe iyo maxkamadda derejada koowaad.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya todobaad kadib markii ciidamada ammaanka Puntland iyo Al-shabaab ku dagaalameen dhulka buuraleyda ah ee magaalada Boosasso koonfur galbeed kaga beegan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya