4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 11, 2015
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jabuuti & Kenya oo Amaanka Nabada Muqdisho


Axad, Janaayo 11, 2015 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Jabuuti iyo Kenya, Maxamuud Cali Yuusuf iyo Aamina Maxamed Jabriil ayaa ammaanay nabadda Muqdisho ka jirta, iyagoo sheegay in Muqdisho ay ka duwan tahay firkii ay horay uga qabeen.

Yuusuf oo dib ugu laabtay Jabuuti ayaa sheegay in Muqdisho ay ka duwan tahay sidii ay ahayd laba jeer oo uu safar ku tagay, uuna xilligan dareemay inay ka jirto nabad la isku halleyn karo.

“Rajada aan ka qabno deggenaashaha Soomaaliya iyo horumarkeeda xilliga soo socda aad ayuu u weyn yahay, waana is-garab-taagaynaa. Waxaan dhihi karaa Muqdisho oo keliya ma aha nee dalka oo dhan ayuu deggenaasho iyo horumariba ka muuqdaa,” ayuu yiri Yuusuf.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay tahay qayb naga maqan oo aad muhiim u ah, maantana waxaan oran karaa buu yiri inay soo dib u soo laabatay, aad ayaana ugu faraxsanahay.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Jabuuti ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada ay la garab-taagan tahay Soomaaliya illaa ay cagaheeda isaga taagayso. “Innagu haddaan Jabuuti nahay waxaa naga go’an inaan ciidammo dheeraad ah oo ah guuto ah ay ku biiriso kuwii horay uga joogay, si loo dar-dar-geliyo dib u soo celinta nabad buuxda oo Soomaaliya oo dhan ka hirgasha mustaqbalka dhow,” ayuu kusii daray hadalkiisa.

Jabuuti ayaa waxaa Somalia kaga sugan 1,000 askari oo qayb ka ah howgalka AMISOM ka tirsan, kana howlgala gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia, kuwaasoo dagaallo adag la galay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed Jabriil oo iyaduna ka mid ahayd wasiirradii IGAD ee kulanka ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horreysay oo ay timaaddo, ayna aad u jeclaatay.

“Muqdisho waa markii iigu horreysay ee aan imaado, runtiina aad ayay ii soo jiidatay, waana jeclaaday,” ayay tiri Aamina oo qoslaysa, iyadoo xustay inay safarro kale ku imaan doonto dhawaan.

Si kastaba ha ahaatee, shirkii wasiirro dibadbadeedyada IGAD ay Muqdisho ku yeesheen ayaa si nabadgalyo ah ku dhacay, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in shirkaas uu ahaa tijaabo laguna guuleystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya