4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 11, 2015
Danjire Sidikou oo sheegay in Muqdisho ay ka jirto nabad la isku halleyn karo


Axad, Janaayo 11, 2015 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maman S. Sidikou ayaa ku tilmaamay shirkii 53-aad ee wasiirada IGAD ay ku yeesheen Muqdisho inuu caddeyn u yahay isbedelka dhinacyada nabadda iyo siyaasadda Soomaaliya.

Shirkii wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD ay shalay ku yeesheen xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay Somalia ku yeeshaan tan iyo markii uu dalku galay burburka iyo colaadaha sokeeye.

“Doorka IGAD ee geeddi-socodka nabadda, dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Soomaaliya waa mid horay u sii socda, shikan ay ku yeesheen Muqdisho ku yeesheenna waa mid taariikh ah,” ayuu yiri danjire Sidikou.

Isagoo intaas ku daray. “Run ahaantii, Somalia waxaa ka jirta nabadgalyo weyn, waxaana taas caddeyn u ah booqashooyinkii ay Muqdisho horay ugu yimaadeen wufuud ka socoota Midowga iyo Qaramada Midoobay iyo weliba booqashadii uu ku yimid xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon. Waana taas midda sababta ay in wasiirrada IGAD ay shirkoodii 53-aad ku yeeshaan halkan.”

Wakiilka Midowga Afrika ayaa xusay in shirkii wasiirrada IGAD qodobbadii kasoo baxay ay qaarkood qayb weyn ka qaadanayaan horumarinta Soomaaliya, sida in la taageero dowladda Soomaaliya iyo maamullada dalka ka jira, si ay adeegga bulshada ay u baahan tahay ay ugu baahin lahaayeen dalka oo dhan, gaar ahaan deegaannadii laga qabsaday Al-shabaab.

Ugu dambeyn, danjire Maman Sidikou ayaa ku celiyay in Midowga Afrika iyo AMISOM ay ka go’an tahay inay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan taageerada ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka siinayaan sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa nabad iyo deggenaasho waarta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya