4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
Puntland oo sheegtay inay soo afjartay wajigii 2-aad ee dagaalkii Al-shabaab


Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — Puntland ayaa sheegtay inay soo af-jartay ee dagaalkii ay kula jirtay Al-shabaab ee ka socday buuraha Galgala oo ka tirsan gobolka Bari, iyagoo sheegay inay billaabi doonaan wajigii saddexaad ee howlgalka ay kula dagaalamayaan Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada Puntland, Jen. Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere) oo warbaahinta kula hadlayay deegaanka Diin-digle oo ka tirsan dhulka buura-leyda ah ee Galgala, ayaa sheegay in khasaare xooggan ay u geysteen Al-shabaab, dhul badanna ay ka qabsadeen.

“Ciidamada Puntland oo dagaal adag la galay Al-shabaab waxay kaga dileen dagaalladii dhacay 57-qof, waxaana kaga dhaawacnay 65 qof, howlgalladuna way sii socon doonaan illaa Al-shabaab laga af-jaro Puntland oo dhan,” ayuu yiri Jen. Siciid Dheere.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada Puntland ayaa sheegay in madax sar-sare oo ka tirsan ay ah ku dileen dagaalka Galgala, sidoo kalana ay qabteen saraakiil kale oo uu ka mid yahay Axmed Gurey oo uu xusay inuu abaanduule u ahaa dagaalyahanada Al-shabaab ee buuraha Galgala.

“Weli waxay ku dhuumaaleysanayaan buuraha Galgala, balse intooda badan waa laga saaray, mana ahan markii ugu horreysay oo ay ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ay ku dagaalamaan Galgala,” ayuu hadalkiisa ku daray. wuxuuna hadalkiisa ku daray inay kaga gubeen dagaalka hub fara badan oo ay ku jiraan qoryaha culus.

Mar la weydiiyay Jen. Siciid Dheere ciidamada Puntland kaga geeriyootay intii uu socday dagaalka ay kula jireen Al-shabaab ayaa sheegay inay kaga dhinteen shan askari, lix kalena ay kaga dhaawacmeen.

Ugu dambeyn, taliyaha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in wajiga sadexaad ee ay kula dagaalamaan Al-shabaabta ku jirta Gaalgala ay goor-dhow billaabayaan, balse wuxuu ka gaabsaday inuu sheegay xilliga ay billaabayaan, isagoo yiri. “Arrintaas waa mid ciidan oo aan saxaafadda loo sheegi karin.”

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab ay sii socon doonaan, iyagoo wajiyo kala duwan mari doona, isagoo sheegay inaysan jirin wax gor-gortan oo ay la gelayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya