4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
MADAXWEYNE XASAN: Qabashadii Shirkii IGAD Guul ayuu u ahaa Soomaaliya


Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guul ku tilmaamay qabsoomidda shirkii wasiirrada arrimaha dibadda dalalka IGAD oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

"Shirkan wuxuu ahaa imtixaan caalamku ay ku eegeysay kartideena, wax-qabadkeena iyo inaan dib u soo ceshan karno kalsoonidii caalamku ay nagu qabtay. Ilaahay wuu nagu guuleeyay imtixaankiina waan ku guuley-sannay," ayuu yiri madaxweynaha oo xafiiskiisa kula hadlayey saxaafadda.

Madaxweynaha ayaa sheegey in ka guul gaarista qabsoomidda shirkan ay ka dhalatay iskaashi dhexmaray dowladda iyo shacabka, haddii shacabkeena ka heli lahayn taageero ma suuro-galeen in la qabto hawshan baaxadda weyn leh ee sharafta u soo hoysay dalka Soomaaliya.

"Waxan aad ugu hambalyeynayaa shacabka, dulqaadka ay muujiyeen intii ay socdeen hawlaha shirka iyo qaban-qaabadiisa intaba. Intaa kaddib waxaa la gudboon shacabka inay u muujiyaan kalsooni wax walba oo wanaagsan, horumarna u keeni kara dalka, isla markaana ay iska dhego-tiraan wararka dacaayadaha ah ee ay cadowgu baahinayaan, taasoo danta ay ka leeyihiin ay tahay in shacabka lagu niyad-jebiyo," ayuu intaas raaciyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa shacabka xusuusiyay in xalka mushkiladda ka jirta dalka ay ay ku jirto gacanta shacabka, isla markaana xal shisheeye aanay dawo noo noqon karin.

Isagoo ka hadlayay arrimaha siyaasadda dalka ayuu madaxweynaha xusay in si habsami leh ay u socdaan hawlaha dalka looga hir-gelinayo nidaaamka federaalka, kaasoo sal u noqon doona mustaqbalka siyaasadda Soomaaliyada cusub ee dimuquraadiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha Somalia ka jira, isagoo dhanka kalena saxaafadda ugu baaqay inay ka qayb-qaadato nabadeynta iyo dib u dhiska dalka.

Ugu dambeyn, shirka wasiirrada arrimaha dibadda dalalka IGAD ee maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa qodobadii kasoo baxay waxaa ugu muhiimsanaa in shirka soo socda ee madaxda IGAD uu ka dhaco Muqdisho, lana sii wado taageerada loo fidinayo Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya