4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
War-murtiyeedkii Shirkii IGAD oo lagu Dalbaday in la Taageero Soomaaliya (DHAGEYSO)


Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — War-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii ay ku yeesheen Muqdisho wasiirrada arrimaha dibadda ee ururka IGAD ayaa looga dalbaday caalamka in dowladda Soomaaliya laga taageero sidii howlaha u harsan ay u dhameystiri lahayd.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Tedros Adhanom oo shir-guddoonkii kulanka 53-aad ee IGAD ahaa ayaa war-baahinta u akhriyay, isagoo xusay in madaxweynaha Somalia uu sheegay in dowladda ay u taallo howl badan, wuxuuna sheegay Tedros inay hubaal tahay in IGAD ay gacan ka geysan karto sidii loo dhameystiri lahaa howlaha horyaalla dowladda Soomaaliya, si loo gaaro hadafka la higsanayo.

“IGAD waxay aqonsatay in Soomaaliya la taageero, lana wado taageerrada illaa ay caga-heeda isaga taageerayso. Iyo in garab lagu siiyo hiirsiga 2016-ka, IGAD iyo caalamkana waxay ballanqaadayaan inay dowladda Somalia ka taageeraan hirgelinta qorshayaasha u harsan,” ayuu Tedros Adhanom yiri.

Sidoo kale, Adhanom ayaa sheegay in xubnuhu ay hoosta ka xariiqeen inay dowladda Soomaaliya xalliso is-maandhaafyada siyaasadeed ee soo mararka badan soo laalaabtay, waxaa kaloo bogaadinaynaa ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo uu soo magacaabay madaxweynaha Somalia.

DHAGEYSO: War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii IGAD

“Xubnaha IGAD waxay kaloo soo dhaweeyeen qorshaha dowladda Somalia ee ku aaddan hiigsiga sannadka 2016-ka iyo is-dhexgalka ciidamada kala duwan, sidoo kale wuxuu soo dhaweynayaa horumarrada lagu tallaabsaday,” ayuu mar kale yiri Tedros Adhanom.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in xubaha ururka IGAD ay ku baaqayaa in la taageero dhismaha maamullada gobollada dalka oo sal-dhig u ah sidii ay Somalia ku gaari lahayd horumarka ay higsanayso xilliyada soo socda. Wuxuu kaloo xusay inay soo dhaweynayaan maamullada hadda la dhisay sida Jubba iyo Koonfur-galbeed Soomaaliya.

“Goluhu waxay cambaareynayaan weerarrada ay Al-shabaab ku hayso dowladda Somalia iyo shacabkeeda, gaar ahaan kuwa Muqdisho ay ka geysnayso. Waxaana la isku raacay in Al-shabaab dalka oo dhan laga saaro, taasoo ay gacan ka geysan doonaan dalalka dariska ah,” ayuu Tedros Adhanom ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, Tedros wuxuu xusay in xubnaha IGAD ay ciidamada AMISOM weydiisteen inay howlgalladeeda ku baahiso Somalia oo dhan, isla markaana ay kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo ay ku tilmaameen inay cadow ku tahay Soomaalida.

“Goluhu wuxuu weydiistay dowladda Soomaaliya inay xoojiso is-dhex-galka bulshada iyo maamullada dalka ka jira, gobol walba ciidammo amni oo gaar u ah, kuwaasoo saldhig u ah gaarista hiigsiga cusub ee sannadka 2016-ka,” ayuu Tedros mar kale yiri.

Wuxuu kaloo xusay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya inay isku raaceen in dowladda dhexe iyo maamullada gobollada laga taageero dhinaca farsamada, lana horumariyo dastuurka Soomaaliya.

Xubnaha IGAD waxay weydiisteen xafiiskooda Muqdisho inuu kala shaqeey dowladda Soomaaliya sidii lagu gaari lahaa hadafka lagu gaarayo hiigsiga cusub ee la doonayo in Somalia doorasho looga sameeyo.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in IGAD ay ku talinayso in la muujiyo isku-duubni iyo midnimo si loo gaaro hadafka ah in Soomaaliya la horumariyo, isagoo xusay inay sidoo kale isku raaceen in lasii wado wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo ka socday dalka Turkiga.

“Goluhu wuxuu kaloo ansixiyay magacaabista Guuleed A. Cartan oo noqonaya agaasime dhinaca cimilada u qaabilsanaan doona IGAD,” ayuu ku daray hadalkiisa Tedros, isagoo xusay inay cambaareynayaa carqalad walba oo wax u dhimaysa horumarka iyo dhismaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Tedros Adhanom wuxuu xusay in xubnaha IGAD ay go’aan ku gaareen in shirkan kan xiga ee ay yeelanayaan lagu qabto magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya