4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
Somali-American Hoggaaminayay Weerar lagu qaaday baarlamaanka Somalia


Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — Ruux Somali-American ah oo ku noolaa gobolka ay ku badan yihiin Soomaalida Mareykanka degen ee Minnsota ayaa la sheegay inuu ahaa qofkii hoggaaminayay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday xarunta baarlmaanka Somalia bishii May ee sannadkii hore 2014-ka.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay in Ibraahim C/raxmaan Maxamed lagu magacaabi jiray Somali-American-kan, kaasoo kasoo muuqday cajalad fiidiyow ah oo ay Al-shabaab baahisay, iyagoo ku sheegay cajaladda in Ibraahim uu ahaa ruuxii horkacayay weerarkii baarlamanka lagu qaaday sanadkii hore, kaasoo ay ku naf-waayeen 10-ruux.

“Gaalada jooga dalka waxaan u sheegayaa inaysan kaarayaasha iyo hubka ay ka mid yihiin diyaaradaha inaysan badbaadin karin,” ayuu yiri Ibraahim oo ka hadlayay cajalada ka hor intii aanu weerarku dhicin isagoo qori AK-47 ah ku haysta dhabta. Isagoo intaas ku daray. “Kuwaasi ma ahan kuwo idin bad-baadin kara.”

Askartii ku geeriyooday weerarkan ayaa isugu jiray afar sarkaal iyo lix askari oo ka mid ahaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka hayay dhismaha golaha baarlmaaanka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay dhowr xildhibaan dhaawacyo fudud ka soo gaareen.

Sidoo kale, cajaladda Al-shabaab ayaa lagu arkay wiil Somali-Canadian ah oo magaciisa lagu sheegay Mahad Cali Dhoorre, kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa xubnihii weeraray xarunta maxkamadda gobolka Banaadir kaasoo dhacay bishii Abriil ee sannadkii 2013-kii.

Cajaladahan ay soo bandhigtay Al-shabaab ayaa kusoo beegmayaan iyadoo toddobaad ka hor lagu dilay duqeyn diyaaradeed hoggaamiyihii sirdoonka Al-shabaab oo Cabdishakuur Tahliil lagu magacaabi jiray.

Dhanka kale, saddex bilood ka hor ayay dowladda Mareykanka waxay ku dishay duqeyn cirka ah oo ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose, Axmed Cabdi Ow-Maxamuud Godane oo ahaa hoggaamiyihii Al-shabaab. Inkastoo lagu bedelay hoggaamiye kale.

Si kastaba ha ahaatee, daraasiin Soomaali ah oo ku nool Ameerika iyo Yurub ayaa ka mid noqday xoogagga Al-shabaab ee Somalia iyo kooxda Daacish oo iyaduna ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya