4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
DAAWO SAWIRRADA: Shirkii Wasiiradii IGAD ee Maanta Ka Dhacay Muqdisho


Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — Iyadoo maanta ay Muqdisho dalalka IGAD ku yeesheen kulankoodii 53-aad oo noqnaya kii ugu horreeyay tan iyo markii uu dalku burburka galay ayaa waxay HOL idiin soo gudbinaysaa sawirradii shirka.

Wasiirrada arrimaha dibadda Itoobiya, Sudan, Kenya, Uganda, Jabuuti iyo Koonfurt Sudan ayaa yimid Muqdisho shalay si ay shirka uga qayb-galaan, iyadoo madaxweynaha Somalia uu furay shirka maanta ay IGAD yeelatay.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay danjirayaasha iyo wakiillada caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaasoo bogaadiyay shirkan, iyagoo xusya inuu irrid cusub Somalia kaddib colaado sannado badan ka jiray.

Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa soo xiray shirka, isagoo sheegay in dowladda Somalia ay ka go’an tahay inay fuliso wixii ay horay u ballanqaaday oo ay ka mid tahay federaaleynta dalka iyo in doorasho ay ka dhacdo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya