4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
Fidel Odinga oo sababihii uu u geeriyooday lagu soo baaraayo dalka Jarmalka


Wiilkii uu dhalay ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo isbuucii la soo dhaafay laga helay meydkiisa guri uu ka daganaa magaalada Nairobi, ayaa ilaa iyo hada anaan la ogeyn waxyaabaha sababay dhimashadiisa, xili Meydkiisa la sheegay in lagu baari doono wadanka Jarmalka si loo cadeeyo dhimashadiisa.

Qoyska Odinga, ayaa wali waxey sugayaan in ay helaan jawaabta ku saabsan hadii ay jiraan waxyaabo ka dambeeyay dhimashada wiilkooda; inkastoo ay jiraan shakiyo ay muujiyeen qaar kamid ah xubnaha Isbaheysiga Dib-u-habeeynta iyo Dimuqraadiyadda (CORD) ee uu hogaamiyo Raila Odinga. Shakigaas oo ku saabsan in la sumeyay wiilka uu dhalay hogaamiyahooda.

Dowlada Kenya iyo hay’addaha madaxa banaan ee ku taqsuusay baarista, ayaa ku guul-dareystay iney cadeeyaan waxa sababay dhimashada Fidel Odinga oo u geeriyooday xaalado aanan la garaneynin.

Qoyska Ra'iisal Wasaarihii hore ee Kenya iyo hogaamiyaha Xisbiga CORD Raila Odinga, ayaa sheegay in ay qaadi doonaan qeybo ka mid ah Fidel  jirkiisa, ayna geyn doonaan Wadanka Germany si loogu sameeyo baaritaan khaas ah isla markaasna loo ogaado waxyaabaha geeridiisa sababay.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Senator-ka magaalada Siyaya James Orengo. Xildhibaanka deegaanka Homa Bay- Opondo Kaluma iyo Qareeno taabacsan Xisbiga CORD, ayaa sheegay iney in ay soo ururiyeen unugyada jirka Fidel iyo dareerayaashiisa; isla markaasna ay diyaar u yihiin iney u qaadaan dhanka magaalada Berlin ee caasimada wadanka Germany si fiiro gaar ah loogu yeesho.

Maanta ayaa xaflada Aas ah loogu sameynaayo Fidel dhismaha Jaamacada Magaalada Bondo oo ka tirsan ismaamulka Siyaya, kuna taallo galbeedka Gobalka Kisumu, iyadoona aaskaas ay ka qeyb galayaan kumanaan qof iyo inta badan hogaamiyaasha Isbaheysiga Dib-u-habeeynta iyo Dimuqraadiyadda ee CORD.

Fidel Odinga oo ahaa Curadka Caruurta uu dhalay Raila Odinga, ayaa meydkiisa laga helay sariirtii uu ku seexday todobaadkii hore, waxaana illaa iyo hada aanan la ogeyn sababta keentay dhimashadiisa.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya