4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo si Nabad ah uga Ambabaxay Muqdisho


Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa si nabadgalyo ah uga dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii shir ay maanta shirkoodii 53-aad ku yeesheen xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Xubnihii IGAD ee Muqdisho u yimid shirka ayaa waxay kala ahaayeen; wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom, wasiiradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Aamina Maxamed, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda Koonfurta Suudaan, Barnaba Marial Benjamin iyo wasiir u dowlayaasha dalalka; Suudaan, Kamal-Eddin Ismail Saeed iyo Uganda, Asuman Kiyingi. Waxaa la socday xoghayaha guud ee IGAD, Inj. Maxbuub Macallin

Shirkan ayaa ahaa mid ay wasiirrada arrimaha dibadda waddamada IGAD ay uga hadleen intiisa badan xaaladda Somalia iyo horumarrada lagu tallaabsaday iyo in la dar-dar-geliyo howlaha horyaalla dowladda Soomaaliya sida dib u habeynta dastuurka, dhismaha maamullada gobollada, hirgelinta federaalka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho sannadka 2016-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbaddii uu ka jeediyay shirka wuxuu ku sheegay in shirkan uu yahay mid guul u ah Somalia, sidoo kalena uu yahay, isagoo xusay in Muqdisho ay hadda diyaar u tahay in shirar kale oo caalami ah lagu qabto.

Si kastaba ha ahaatee, shirka IGAD ee Muqdisho lagu qabtay ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay Soomaaliya ku yeeshaan tan 1985-kii oo ahayd markii ugu dambey-say oo IGAD ay shir ku yeelato Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya