4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo soo dhaweeyay Shirka Wasiirrada IGAD

Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobollada dhexe Somalia ayaa soo dhaweeyay shirkii ay wasiiradda IGAD ku yeesheen Muqdisho, iyagoo sheegay inay tahay tallaabo wanaagsan oo ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha talada ee Ahlu-sunna, Sheekh Cumar C/qaadir Aadan oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay in Ahlusuna ay soo dhaweyneyso inay IGAD maanta ku yeeshaan Muqdisho, waxayna ugu baaqeen dowladda in la dhaqan-galiyo war-mutiyeedka shirka kasoo baxa.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa garab u ah in wax loo qabto, wixii shirkaas ka soo baxa waa in la hirgeliyaa, balse haddii aan la hirgelin arrintu waxay iska noqonaysaa shirbaa lagu qabtay Xamar,” ayuu yiri Sheekh Cumar.

Sidoo kale, mas’uulkan ka tirsan maamulka sare ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa xusay in weli ay Soomaaliya dagaal ka waddo Al-shabaab loona baahan yahay in wax laga qabto, isagoo xusay in taasi ay qayb ka tahay waxa ay sugayaan in loo qabto shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka Sheekh Cumar C/qaadir ayaa kusoo beegmaya iyadoo wasiirrada ka socda dalalka urur-goboleedka IGAD ku bahoobay ay shirkoodii 53-aad ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasoo intiisa badan looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo wasiirrada IGAD ay Soomaaliya ku yeeshaan tan iyo sannadkii 1985-kii, iyadoo Calaamku ay shirkan ku tilmaameen mid taariikhi ah, isla markaana guul u ah dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya