4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
DHAGEYSO: Khudbadii uu Madaxweynaha ka jeediyay furitaankii shirkii IGAD


Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — Waxaa maanta oo Sabti ah ka furmay Muqdisho shirkii 53-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda urur-goboleedka IGAD, iyadoo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka si rasmi ah u furay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in qabashada shirkan ay muhiimad weyn u tahay Soomaaliya, wuxuuna xusay in shirkan uu yahay kii 53-aad ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho mudo fog kaddib.

“Shacabka Soomaaliyeed maata waxaa farxad u ah inay soo dhaweeyeen xubnaha IGAD oo shirkoodii ugu horreeyay muddo dheer kaddib uu uga furmayo Muqdisho, Soomaaliya waxay maanta ka gudubtay hadal-hayntii ahayd inay tahay mid guul-darreysatay, waxayna ku guuleysatay inay shirka IGAD Muqdisho lagu qabto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalkii aasaasay ururka IGAD, runtii shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee ay martigeliso Somalia waxay u tahay sharaf weyn. Shacabka Soomaaliyeedna waxaan uga mahadcelinayaa qabsoomidda shirkan. Ciidamada amniga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaana suurogeliyay in shir heerkan ah lagu qabto Muqdisho, cadowgu wuxuu isku dayayaaa in shirkaan ay ku furaan carqalad, balse ciidamadeenna ayaa ka hortagay taas.”

DHAGEYSO: Khudbaddii Xasan Sheekh oo English ah

Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadlayay ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadayso howlaha dhiman, isagoo xusay in la dhisay maamul-goboleedyada Somalia qaarkood, kuwaasoo xusay inay qayb ka yihiin qorshaha Soomaaliya ay ugu gudbayso hannaanka federaalka ah.

“Qorshaha dowladda ay xoogga saarayso waxaa ka mid ah sugidda amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha kala duwan ee dowladda si ay uga gudubto colaadihii sokeeye,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Waxyaabaha kale ee ay wax ka qaban doonaan ayuu sheegay inay ka mid yihiin; dib u habeynta dastuurka dalka, kaasoo uu xusay inay gaarsiinayaan in shacabka Soomaaliyeed ay afti u qaadaan.

Beesha caalamka ayuu weydiistay inay gacan ka siiyaan dowladda uu hoggaaminayo sidii ay howlahaas oo dhan u hirgelin lahayd, isagoo si weyn u soo dhaweeyay shirka IGAD uga furmaya Soomaaliya.

Ugu dambeyn, waxaa iyaguna furitaankii shirka IGAD khudbado ka jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom iyo danjiraha QM Somalia, Nicholos Kay, kuwaasoo iyaguna sheegay in qabashada shirkan ay Somalia u tahay horumar weyn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya