4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
Madaafiic Saaka ku dhacay Xaafado ku Dhow Xarunta Madaxtooyada Somalia

Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayay dhaawacyo ka soo gaareen afar madfac oo saakay ku dhacay xaafado ku dhow dhismaha Villa Somalia ee degmada Wardhiigley, xilli uu shirka IGAD ka furmay Hotel ku dhow madaxtooyada.

Dadka ku dhaawacmay madaafiicdan ayaa la sheegay inay ku jireen saddex dumar ah, kuwaasoo guridooda ay ku dhaceen madaafiicda intooda badan, iyadoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda madaafiicdan.

Hoobiyeyaashan ayaa imaanaya iyadoo saakay uu shir maalin ah uga furmay hoteelka SYL ee Muqdisho, lamana oga ujeeddada madaafiicdan looga danta lahaa, iyadoo aysan weli hay’adaha amniga dowladdu ka hadlin duqeyntan.

Goob-joogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay maqleen madaafiicda, halka kuwo kalena ay sheegeen inay arkeen dhaawacyada shanta qof oo dhammaantood ahaa dad waaweyn.

“Shanta ee dhaawacmay waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka, dadka xaafadahaas ku dhow madaxtooyada ku noolna cabsi weyn ayaa soo wajahday,” ayuu yiri goob-jooge la hadlay qaybaha warbaahinta Muqdisho.

Al-shabaab ayaa horay u sheegay madaadfiic lagu weeraray madaxtooyada oo ah xarunta ay ku shaqeeyaan madaxda dowladda Somalia, iyadoo 2014-kii aan soo dhaafnay laba jeer ay weerarro toos ha ku qaaday Villa Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya