4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
Wasiirada IGAD oo xalay casho-sharaf loogu sameeyay Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — Xalay waxaa magaalada Muqdisho xaflad casho-sharaf ah loogu sameeyay wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada IGAD, taasoo uu sameeyay madaxweynaha Soomaailya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Cashada ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ka mid yihiin xildhibaanno, waxaana hadallo kala duwan ka jeediyay wasiirraddii IGAD ka socday iyo madaxda dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay cashada ayaa wuxuu sheegay inuu shirka IGAD fursad weyn u yahay Somalia, uuna caalamka tusayo in Somalia ay lasoo laabatay kaalintii ay ku lahayd caalamka.

Sidoo kale, xafladda cashada ah oo ka dhacday hoteelka SYL oo uu shirku ka furmay maanta ayaa waxaa hadal ka jeediyay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo sheegay in tani ay caddeyn u tahay in Muqdisho ay dib ula soo noqotay kaalintii ay ku lahayd caasimadaha dunida.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ka sheego in Muqdisho ay maanta lasoo laabatay kaalintii ay caasimada Afrika iyo kuwa caalamka ku lahayd, maadaama ay marti-gelinayso shir heer gobol ah, aana rajeynayno in lagu qaban doono dhawaan shirar kale oo heer caalami ah,” ayuu yiri Muun-gaab.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo ku yeelanaya  shirkoodii ugu horreeyay Muqdisho tan iyo sannadkii 1985-kii oo ay IGAD kulankii ugu dambeeyay ku yeelatay Muqdisho.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda cashada ah iyaguna ka hadlay qaar ka mid ah wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo ay ugu horreyso wasiirradda arrimaha dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed oo Soomaali ah.

Si kasta ha ahaatee, xubnihii hadlay ayaa waxay dhammaantood qireen inay ka duwan tahay Muqdisho maanta wixii ay fikir ahaan ka haysteen, maadaama intooda badan ay u tahay markii ugu horreysay oo ay Muqdisho yimaadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya