4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
C/qaasim Salaad & Nuur Cadde oo ka Hadlay Shirka lagu Qabanayo Muqdisho


Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/qaasim Salaad Xasan iyo ra’iisul wasaarihii hore, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku kala sugan dalalka Masar iyo Talyaaniga ayaa ka hadlay isbedellada ka muuqda Somalia iyo shirka dalalka IGAD ay Muqdisho ku yeelanayaan mudo ka badan 30-sano.

Dr. C/qaasim aya sheegay in Somalia ay horumar weyn ku tallaabsatay marka la eegto shirarka ka dhacaya iyo sidoo kale amniga, isagoo xusay in shirk aka furmay Muqdisho uu yahay waa cusub oo u baryay Soomaaliya, kaddib muddo badan oo dagaallo sokeeye lagu soo jiray.

“Bulshada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay nabadda wadankooda ka shaqeeyaan, ayna ka qaataan horumarrada socda. Loona baahan yahay in la caawiyo dadka taagta daran sida agoomaha,” ayuu yiri C/qaasim.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee Somalia, wuxuu dowladda ku ammaanay horumarka ay ku taallabsatay, isagoo xusay in dal walba uu dadkiisu dhiso, loona baaha yahay in lasii wado wadahadallada lagula jiro Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay inaysan Soomaaliya kala go’i karin, wixii dhib ah ee jirana la xalliyo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Nuur Cadde ayaa isagana dhankiisa xusay inuu ugu hambalyeynayo dowladda Somalia horumarka ay ku tallaabsatay, isagoo shirka ka dhacaya Muqdisho ee IGAD ku tilmaamay mid muujinaya in dalku uu lasoo laabtay sharaftii uu ku lahaa caalamka.

“Marka hore waxaan doonayaa inaan halkan hambalyo uga diro dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, kuna bogaadiyo horumarka uu dalku maanta ku tallaabsatay. Waxaan hubaa in dadaal badan lagu bixiyay sidii Soomaailya ay heerkan u soo gaari lahayd mar kale. Shirka IGAD waa mid muujinaya in dalku uu ka baxay dhibaatadii uu horumarka u jiheystay, hana la xoojiyo horumarka muuqda,” ayuu yiri Nuur Cadde.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in shirkan heerka gobol ah uu rajeynayo inay ku xigi doonaan kuwo heer caalami ah oo Soomaaliya lagu qabto, isagoo ku sheegay hadalkiisa inay farxaddiisu maanta si weyn uga duwan tahay tii hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya