4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 10, 2015
Shirka Wasiirada Arimaha Dibadda IGAD oo Muqdisho ka Furmay (SAWIRRO)


Sabti, Janaayo 10, 2015 (HOL) — Hoteelka SYL ee Muqdisho oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa goor-dhow ka furmay shirkii wasiirrada arrimaha dibadda IGAD, kaasoo noqonaya kii 53-aad ay xubnaha IGAD ay yeeshaan, isla markaana ah kii ugu horreeyay muddo 30-sano ah oo ay IGAD Muqdisho ku yeelato.

Shirka ayaa waxaa furay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyadoo amniga guud ee hoteelka ay si aad ah u adkeynayaan Alpha Group oo ah ciidamada gaarka ah ee nabadsugidda Soomaaliya.

Qaybta hore ee shirka ayaa wuxuu dhexmari doonaa wasiirada arrimaha dibadda IGAD, safiirrada caalamka u fadhiya Somalia iyo madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, markaas kaddibna uu shirka IGAD noqon doono mid ay albaabbadu u xiran yihiin.

Xubnaha IGAD ee shirka ka qaybgalaya ayaa waxay isugu jiraan wasiirro iyo wasiir-u-dowlayaal waxayna kala yihiin; wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom, wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda Koonfurta Suudaan, Barnaba Marial Benjamin iyo wasiir u dowlayaasha dalalka; Suudaan, Kamal-Eddin Ismail Saeed, Uganda, Asuman Kiyingi iyo xoghayaha guud ee IGAD Inj. Maxbuub Macallin.

Kulankan ayaa intiisa badan looga hadli doonaa arrimaha Somalia, gaar ahaan isbedellada dhinacyada amniga iyo horumarka, iyadoo sidoo kale lagu soo qaadayo hiigsiga sannadka 2016-ka oo la doonayo inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho xor ah.

Si kasta ha ahaatee, waxaa lagu wadaa in shirka war-murtiyeed ay kasoo saaraan gellinka dambe ee maanta wasiirrada arrimaha dibadda IGAD, kaas oo ku aaddan waxyaabihii ay xubnaha shiraya isku afgarteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya