4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 28, 2015
Iska-horimaad Culus oo ka dhacay Deegaanka Ceel-baar ee Gobolka Bakool


Sabti, Feberaayo 28, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 11-ruux oo dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka ka mid ah ayaa ku dhintay, 19 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray gobolka Bakool.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in sideed ka mid ee dhintay dagaalka ay ahaayeen dagaalyahannada Al-shabaab ee ay dagaalka kula galeen gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada dowladda Somalia ee gobolka Bakool, C/raxmaan Max’ed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya weerareen Ceel-baar oo ka tirsan gobolka Bakool, ayna halkaas ku dileen tiro Al-shabaab ka tirsan.

“Ciidankeennu waxay weerareen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd Ceel-baar oo ka tirsan gobolka Bakool, waxaana dhacay dagaal dhowr saacado socday, dhankeenna waxaa nooga dhintay saddex askar, afar kalena dhaawac ayaa naga soo gaaray, balse dhanka Al-shabaab waxaan ka dilnay sideed, 15 kale ayaanan ka dhaawacnay,” ayuu yiri C/raxmaan Maxamed.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay dagaalkaas ay ku dileen in ka badan toban askari oo ciidamada dowladda ah, tiro ka badanna waan kaga dhaawacannay, iyagoo intaas ku daray inay weli iyagu gacanta ku hayaan deegaankii lagu dagaalamay.

Ugu dambeyn, Xasan Aadan oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee gobolka Bakoola yaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dagaalka kaddib dib ugu soo laabteen fariisimahoodii.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa horumarro badan ka sameeyay dagaalladii ay la galeen Al-shabaab dhowrkii sano ee u dambeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya