4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
Wiil Somali-American ah oo qirtay dambi ah inuu doonayay inuu ku biiro ISIS


Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Wiil dhallinyaro oo ka mid ah Soomaalida deggen gobolka Minnesota ee Mareykanka oo laga qabtay garoon uu uga duuli lahaa dalka Syria, ayaa qirtay inuu doonayay inuu ku biiri kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Cabdullaahi Maxamuud Yuusuf oo 18-jir ah ayaa ka hor-qirtay maxkamadda magaalada Minneapolis inuu doonayaan inuu tago Suuriya bishii May 2014-kii si uu ugu biro Daacish. Isagoo wajahaya xukun 15-sano ah, balse weli lama sheegin xilliga uu xukunku dhacayo.

Madaxda gobolka Minnesota ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah dadka Minnesota ku nool ay u safreen Suuriya sannadkii hore si ay uga bar-bar-dagaalamaan kooxda islaamig ah ee ISIL. Iyagoo intaas ku daray in mid ka mid ah dhallinyaradii ku biiray Daacish in la dilay.

Yuusuf ayaa ka hor-qirtay maxkamadda inuu doonayay inuu dad ay gobolka isku barteen oo u socday dalka Suuriya uu sii raaco si ay ula dagaallamaan taliska Suuriya ee uu hoggaaminayo Bashaar Al-Assad. Sidoo kale Yuusuf ayaa sheegay inuu ka qayb-galay kulan Minnesota ka dhacay March iyo April sannadkii hore, kaasoo looga hadlay dagaallada ka socda Ciraaq iyo Suuriya.

Maxkamadda ayaa soo bandhigtay dukumiintiyo iyo baasaboorkii Yusuuf oo sheegayay in uu ahaa arday dugsiga sare dhigayay, uuna si deg-deg ah ku dalbaday baasaboorka, iyadoo baasaboorkiisa ay ugu qornayd inuu ku socdo dalka Turkiga.

Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa is-hortaag ku sameysay safarka Yuusuf uu ku doonayo inuu ku aado Suuriya, xilli uu doonayay inuu garoonka weyn ee Minneapolis uu ka dhoofo 28-kii May, 2014, iyadoo lasoo xiray lix bilood kaddib.

Sidoo kale, Yuusuf ayaa sheegay inuu doonayay inuu Istanbul kula kulmo wiil kale oo uu magaciisa ku sheegay Cabdi Nur kaasoo ay doonayeen inay wada-tagaan dalka Suuriya.

Wiilkan Somali-American-ka ah ayaa sidoo kale sheegay in qof kale oo aan la aqoonsan weli uu siiyay lacagtii uu ku biisaday tigidkii uu Suuriya ku tegi lahaa.

Qareenka Yuusuf oo lagu magacaabo, Jean Brandl ayaa ka hor-sheegtay maxkamadda in Mareykanka aan looga aqoonsan kooxda Daacish urur argagaxiso, markii uu Yuusuf isku dayayay inuu u safro dalka Suuriya.

Ugu dambeyn, maxkamadda ayaa amartay in Cabdullaahi Maxmuud Yuusuf uu dibadda sii joogo inta xukunkiisa uu ka dhacayo. Iyadoo qareenadda u doodaysa wiilkan Soomaaliga ah ay sheegtay inay rajeynayso in loo ogolaan dooni inuu waxbarashadiisa sii wato.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya